Musuq hareeyay Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta

Sida ay muujinayaan xogaha ay heshay Keydmedia Online, Wasiir Sheekh Cumar, ayaa dhawaan amar ku bixiyay in Agaasimaha Guud Dr. Cumar Faaruuq, uusan soo gali karin gudaha Wasaaradda.

News Keydmedia Online
Musuq hareeyay Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta

MUQDISHO, Soomaaliya - Xafiiska Hanti-dhowrka Guud ee Qaranka aya albaabada isugu dhiftay qaar ka mid ah xafiisyada sar-sare ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta, kadib markii uu dhawaan soo ifbaxay musuq maasuq la xariira sida loo maamulay jaangoynta qiimaha Xajka sanadkaan.

Qaar ka mid ah Shirkadaha daneynaya fulinta adeegga xajka 1443/2022, ayaa helay naas-nuujin gaar ah, halka kuwo kale laga hor istaagay in ay qeyb ka noqdaan shirkadaha sanadkaan dadka xujeyda ah u qaadaya Sucuudiga, waxaana taagan buuq xooggan oo ka dhashay sida tirada Xujeyda loo qeybiyay.

Xafiisyada Wasaaradda ee Hanti-dhowrka Guud, amray in aan dib loo furi karin ilaa amar dambe, waxaa ku jira Xafiiska Wasiirka Wasaaradda Sheekh Cumar Cali Rooble, Xafiiska Agaasimaha Guud Dr. Cumar Faaruuq Cabdicasiis, Xafiiska Waaxda Xajka iyo Xafiiska Maamulka iyo Maaliydda ee Wasaaradda.

Sida ay muujinayaan xogaha ay heshay Keydmedia Online, Wasiir Sheekh Cumar, ayaa dhawaan amar ku bixiyay in Agaasimaha Guud Dr. Cumar Faaruuq, uusan soo gali karin gudaha Wasaaradda, taasoo ku soo aadday kadib markii Agaasimahu wax kama jiraan ka soo qaaday go’aankii Guddiga Tartanka Adeega Xajka.

Guddiga Tartanka Adeega Xajka 1443/2022, oo uu magacaabay Wasiirka Wasaaradda ayaa 06/06/2022, ku dhawaaqay in shaqsi kasta oo sanadkaan xajinaya ay ku baxayso lacag gaareysa $5,230, hayeeshee jaangoyntaas qiimaheedu aadka u sarreeyo waxaa waxaa ka hor yimid Agaasimaha Wasaaradda.

Waraaqda sumaddeedu tahay, WAAD/XAG/Kh-1/705/2022, oo uu soo saaray Dr. Cumar, waxaa lagu sheegay in qiimaha sicirka rasmiga ah ee sanadkan ku xajin doonaan muwaadiniinta Soomaaliyeed uu yahay 3,800 oo doolar, taasoo 1,430 doolar ka hooseya qiimihii hore, lana eg qarashkii xujeyda ku baxay 2019 .

Hayeeshee, Wasiirka Wasaaradda Sheekh Cumar, oo markaas kadib saxaafadda la hadlay, ayaa wax kama jiraan ka soo qaaday warka agaasimaha isagoo ku dhawaaqay in shaqsi kasta oo sanadkaan xajinaya ay ku baxayso lacag gaareysa $5,230, taasoo ah sida ay go’aamiyeen Guddiga Tartanka Adeega Xajka 1443/2022.

Dhanka kale, xoguhu waxa ay muujinayaan in sidoo kale hoggaanka Wasaaraddu is daba-marsiiyeen mashruuc dhaqaale xooggan ku baxo, kaasoo la yiraahdo PCV oo UN-ka maal galinayay iyo mashaariic kale oo Wasaaradda hoos tagayay u jeedkooduna ahaa wacyi-galin, kuwaas oo hadda xafiisyadoodu xiran yihiin.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
News 30 June 2022 22:08

Kenya hosts the largest Somali community in the region that has heavily invested in Nairobi with nearly half-million refugees had been living in Dadaab, the world’s biggest refugee camp in the world since 1992.