Musuq-maasuq lagu helay Taliska AMISOM iyo Madaxda AU

Tirada AMISOM oo ahayd 22,000, ayaa isbedelaysay sanad kasta, iyadoo ay jireen askar howlgalka ku dhintay, kuwa waqtigooda u dhamaaday oo dalkooda lagu celiyay iyo kuwa tagay shaqada Ciidanka.

Warar Keydmedia Online
Musuq-maasuq lagu helay Taliska AMISOM iyo Madaxda AU

MUQDISHO, Soomaaliya - Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa lagu helay fadeexad culus oo ku saabsan in taliska Ciidamada uu wali qaato mushahaar askar dhimatay iyo kuwa shaqada mar hore isaga tagyj87ay.

Baaritaan qaatay 3 sano oo ay sameysay Waters Coopers [PWC], ayaa lagu lagu ogaaday in malaayiin dollar lagu musuq-maasuqay askarta maqan ee magacyadooda ku jira liiska mushahaar bixinta [Payroll].

Kadib markii Gollaha Wakiiladda Midowga Afrika uu ku wargeliyay Midowga Afrika musuq-maasuqa, ayaa la shaqaaleysiiyay PWC si ay tiro koob rasmi ah ugu sameyso askarta AMISOM, waxaana soo baxday in boqolaal askari oo aan jirin in mushahaarkooda lasoo qaado, kadibna taliyaasha ay qaataan.

Tirada AMISOM oo ahayd 22,000, ayaa isbedelaysay sanad kasta, iyadoo ay jireen askar howlgalka ku dhintay, kuwa waqtigooda u dhamaaday oo dalkooda lagu celiyay iyo kuwa tagay shaqada Ciidanka.

Musuq-maasuqa waxaa ku lug leh madax sare oo uu kamid yahay gudoomiyaha gudiga Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat, iyadoo dhaqaalaha ay bixiyaan UN iyo Midowga Yurub loo isticmaalay dano gaar.

26-kii November 2020, ayay soo baxday warbixinta gaarka ee PWC, oo nuqul kamid ah KON ay heshay. Askari kasta oo AMISOM katirsan wuxuu qaataa bishii $1,230 oo mushahaar ah, taasoo usii dheer guno.

Warbixinta ayaa dhaawac wayn gaarsiiyay kalsoonidii dalalka bixiya dhaqaalaha ku baxa howlgalka AMISOM, waxayna horseeday in baaritaanka uu gaaro madaxda Midowga Afrika ee jooga Addis Ababa.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.