Musuqa ka jira Gobolka Banaadir oo sii baahaya

Musuqa ka jira Gobolka Benaadir ayaa gaaray ilaa heer Degmooyinka iyo Waaxyaha ay dadka ka uruursadaan lacago, sida ay Keydmedia Online ogaatay.

Warar Keydmedia Online
Musuqa ka jira Gobolka Banaadir oo sii baahaya

Gobolka Benaadir oo ah caasimadda Umadda Soomaaliyeed waxaa lagu tilmaami karaa Isha dhaqaalaha Soomaaliya, waana magaalada ugu dadka badan, lehna dhaqaale iyo canshuur badan oo ka soo xaroota Dekadda weyn ee Muqdisho, Garoonka diyaaradaha ee Aadan Cabdulle Cismaan Aadan Cadde Airport iyo ganacsiyada yar yar sida gawaarida iyo goobaha ganacsiga oo laga qaado canshuur bille ah.

Gobolka Benaadir waxa uu ka kooban yahay 17 Degmo oo aan iska war qabin, badankood waxaa ka dhaca falal amni darro oo ay geystaan kooxaha Nabad-diidka, bulshada ku dhaqan caasimadda oo la daalaa dhacaysay falalkaas amni darrada ah, qaraxii dhacana uu burburiyo hanti iyo naf ayaa waxaa haatan dheeri u ah in la weydiiyo ama laga qaado lacago sharci darro ah, taasoo aan ahayn canshuurta laga qaado muwaadiniinta ku dhaqan dhulkooda hooyo oo ay tahay waajib in ay bixiyaan.

Degmada Shibis horraantii Sanadkan aynu ku jirno waxaa loo xiray islamarkaana xilkii looga qaaday fal Musuqmaasuq ah guddoomiyihii degmada, guddoomiyuhu wuxuu ku dhiirraday inuu sameysto waraaqado isaga ugaara, oo gobolka benaadir uusan ka war qabin, kuwaasoo dadka degmada lagu diiwaan gelinayo, islamarkaana lacag $12 looga qaadayo qoysaska dan-yarta ah ee halkaa ku dhaqan.

Dhacdadaas oo ay Warbaahinta gudaha ay heshay ayaa lagu baahiyay baraha ay bulshadu ku xiriirto, waxaana ugu dambeyn xilkiisii ku waayay Guddoomiyihii Degmada.

Degmada Dayniile ayaa haatan billowday qaadidda lacago loogu yeeray 'Qaaraan' kuwaasoo ay qasab tahay in ay bixiyaan dadka ku dhaqan qaar kamida xaafadaha Dayniile, maamulka Degmada ayaa cabasho loo geeyay mar sii horreysay waxaana dadka deegaanku ay ku doodeen lacagta qaaraanka loogu yeeray waxa loogu qabanayo, "ma jiraan wax mashaariic ah ee aanu helnay intii uu shaqeenayay maamulka hadda jira iyo maamuladii ka horreeyayba, maxay tahay sababta aan u bixineeno lacagta qaaraanka ah oo dheeri ka ah Canshuurtii?" ayey ku doodeen dadka ku dhaqan xaafada degmada Dayniile.

KEYDMEDIA ONLINE ayaa heshay waraqadaha been abuurka ah ee ay dagmadu sameysatay taasoo ay suurtagal tahay in maamulka sare ee Gobolka Benaadir uusan ka war qabin, waxaana waraaqahan oo loo qeebiyay dadka ku dhaqan xaafadaha Dayniile loo sheegay in qoyskii bixin waaya la xiri doono, waana in lagu bixiyaa muddo 2 maalin ah sida ku cad waraaqda, gruyaha qaar ayaa ku kala duwan lacag bixinta, sidan ayaana looga qaadaa lacagta:

  • Guriga ku fadhiya Boos dhammeystiran 20X15 waxaa laga rabaa lacag dhan $50.00
  • Guriga ku fadhiya Nus-boos 10X15 waxaa isna laga rabaa lacag dhan $30.00
  • Haddii guriga Nuska ah uu yahay dhagax waxaa laga rabaa lacag dhan $50.00

Dhacdooyinkan oo kale wey soo laalaabtan inta badan mana jiraan cid xil gaara iska saarta, waxaana musuqa qeyb kasii ah in qofkii lagu helay falkaasi ee la xiray durbadiiba la sii daayo, mararka qaarna shaqadiisii uu ku soo laabto iyadoo ay tahay qofkaasi in la xiro lana ciqaabo, shaqadiisana laga ruqseeyo.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.