Muungaab oo Amar Dul dhigay Gudoomiyaashii hore

Muqdisho(KON)-Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Xasan Max’ed Xuseen “Muungaab”ayaa lagu eedeeyey in Gudoomiyaashii hore ee Demooyinka Muqdisho uu Amar adag Dul dhigay.
Warar Keydmedia Online
Muungaab oo Amar Dul dhigay Gudoomiyaashii hore

Amarka ayaa ah in Maamulka Gobolka  uu soo saaray Qoraal qeexaya in Gudoomiyaashii hore ee Degmooyinka Muqdisho aysan wax Shir ah Muqdisho ku qaban Karin.

Ilaa iyo 6 ka mid ah Gudoomiyaashii hore ee Degmooyinka oo la hadlay Xafiiska Keydmedia online ee Muqdisho ayaa sheegay in Amarkaas uu si cad oga soo baxay Gudoomiye Muungaab.

Cali Calasow Xasan oo ahaa Gudoomiyihii Degmada Kaaraan ayaa sheegay in Amarka ka soo baxay Muungaab uu yahay mid aad u qaldan islamarkaana aysan u hogaasami doonin.

“Muungaab waxaa uu Magacaaban yahay Labo Bil iyo 6 Cisho,ma ahan in uu nagu Mashquulo,Dalka Dhibaato iyo Amaan Xumo ayaa ka jirta,marka hore kuwaa ha soo xaliyo”ayuu yiri Cali Calasow.

Lama oga Amarkaan ka soo baxay Maamulka Gobolka Banaadir sida uu ku dhaqan galayo,maadaama qaar ka mid ah Gudoomiyaashii hore ay iska diideen.

Keymedia online – Xafiiska Muqdisho