Muuse Biixi oo ka hadlay xaaladda Soomaaliya

Madaxweynaha Somaliland ayaa ka hadlay xaaladda Soomaaliya iyo xiisadihii ugu dambeeyay ee ka dhacay magaalada Muqdisho.

Warar Keydmedia Online
Muuse Biixi oo ka hadlay xaaladda Soomaaliya

BARBARA, Soomaaliya - Madaxweynaha maamulka iskiis madax bannaanida ugu dhawaaqay ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo maanta magaalada Berbera isagoo ku sugan ka hadlayay xaaladda Soomaaliya ayaa sheegay in uu aad uga xun yahay xaaladda hadda ka taagan Muqdisho iyo dagaalladii dhawaan halkaasi ka dhacay.

Biixi ayaa rabshadihii ka dhacay magaalada Muqdisho ku eedeeyay madaxda dawladda federaalka Soomaaliya ee muddo xileedkoodu dhammaaday isagoo ka hadlayay arrintaasina waxa uu yiri “Maanta aad baannu uga walaacnay oo aannu uga naxnay markaannu aragnay Muqdisho oo dib dagaal uga bilaabmayo, eeddaasna waxa leh dawladdii hoggaanka haysay oo iyadoo waqtigeedii dhammaaday damacday inaanay dadkii dhegaysan,” ayuu yiri Muuse Biixi

Rabshadihii dhawaan ka dhacay ayaa waxaa cambaareeyay beesha caalamka iyo urur goboleedka IGAD, waxayna dowladda Soomaaliya ugu baaqeen in miiska wada hadalka dib loogu laabto, halkaasna lagu xalliyo wax walba.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.