Muuse Biixi: Soomaaliya albaab wanaagsan bay inoo fureen

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo dib ugu laabtay magaalada Hargeysa ayaa sheegay in Soomaaliya ay siineyso fursaddii ay aqoonsi caalami ah ku heli lahaayeen.

Warar Keydmedia Online
Muuse Biixi: Soomaaliya albaab wanaagsan bay inoo fureen

Biixi wuxuu tilmaamay in dowlad walba oo ay la kulmaan ay Soomaaliya xiriirka u jareyso, taasi oo uu ku sheegay in fursad aad u wanaagsan ay tahay.

“Horta go’aankaan ay la yimaadeen Soomaaliya ee ah in dowlad walba aan u tagno inay xiriirka u jaraan albaab wanaagsan ayay koo fureen oo aan aqoosni ku heleyo, anagana cid walba waan la shireynaa" ayuu yiri Muuse Bixi.

Dhinaca kale, Biixi ayaa sheegay in safarkii uu ku tagay guul uu ku soo dhammaaday, islamarkaana heshiisyo waaweyn uu la saxiixday dowladda Kenya.

DFS ayaa xiriirkii u jartay dowladda Kenya kadib markii ay casumaad rasmi ah u fidisay Madaxweynaha Somaliland, iyadoo dhanka kalena ku eedeysay faragelin gudaha ah.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.