Muuse Biixi oo la kulmay Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya

Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta xafiiska ku qaabilay dan-jiraha dowladda Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya, Amb. Ben Fender, oo uu wehliyay Mr Stuart Brown oo ah madaxa xafiiska Ingiriiska ee Somaliland.

Warar Keydmedia Online
Muuse Biixi oo la kulmay Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya

MUQDISHO, Soomaaliya - Kulanka waxaa looga hadlay arimo badan oo ay ka mid yihiin Doorashooyinka la filyo inay dhawaan ka qabsoomaan Maamulka Somaliland, deeqaha dalka ingiriisku Somaliland ku taageero dhinaca mashaariicda horumarineed ee arrimaha bulshada, iyo xaaladaha Amini.

Dhawaan ayay ahayn markii ay cayimeen Gudiga doorashooyinka xilliga la qabanayo doorashada Gollayaasha Wakiillada iyo Deegaanka ee Somaliland.

Gudiga doorashooyinka ayaa 31/05/2021, u asteeyay maalinta doorashadu dhaceyso, Saddexda Xisbi siyaasadeed ee ka dhisan Somaliland UCID, KULMIYE, WADANI ayaana soo dhaweyay go’aanka.

War kasoo baxay Madaxtooyada Somaliland ayaa lagu yiri: “Waxuu madaxweynaha Somaliland, safiirka uga mahadnaqay muddadii ay soo wada shaqeeyeen, iyadoo madaxweynuhu uga mahadnaqay dawladda Ingiriiska inay is waafajisay tiirarka qorshaha horumarinta Somaliland iyo deeqaha Ingiriisku siiyo”.

“Dhiniciisa, safiirku waxuu Madaxweyne Muuse Biixi iyo shacbiga Somaliland-ba uga mahadnaqay sidii milgaha iyo sharafta lahayd ee ay ula shaqeeyeen," aAyaa lagu sii daray.

Somaliland ayaa sheegtay inay ka go'day Soomaaliya 1991, laakiin mudo 30 sano kadib wax aqoonsi ah kama helin Caalamka, waxaana loola macaamilaa wali inay kamid yihiin dalka.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.