Muwaadin Soomaali ah oo lagu dilay South Africa

Si kastaba Dowladda Soomaaliya ayaan sidii loo baahnaa uga hadlin gumaadka lahu hayo muwaadiniinta ku dhaqan South Africa.

Warar Keydmedia Online
Muwaadin Soomaali ah oo lagu dilay South Africa

SOUTH AFRICA - Liibaan Faarax Kheyre, oo ah muwaadin Soomaalyeed, kana tirsanaa ganacsatada ka shaqeysta dalka Koonfur Afrika, ayaa lagu dilay degaanka Queenstown gobolka Eastern Cape, sida ay xaqiijiyeen qaar ka mid ah Soomaalida ku dhaqan dalkaas.

Allaha u naxariirstee, Koox burcad ah ayaa Liibaan ku dishay agagaarka goobtiisa shaqo, kuwaas oo baxsaday falka kadib.

Booliiska South Africa ee magaaladaas oo garay goobta wax ka dhaceen, ayaa sidii caadada ahaydba ku fashilmay in ay soo xiraan, shaqsiyaadkii dilka geystay,

Ugu yaraan 35 Muwaadiniin Soomaali ah ayaa la sheegay in la dilay tan iyo bishii Jannaayo ee sannadkan.

Dhimashadan faraha badan, ayaa ka dhalatay rabshado ajnabi-nacayb ah oo si gaar ah loogu bartilmaameedsaday milkiilayaasha ganacsiga Soomaalida ee ku kala yaal magaalooyinka kala duwan ee Koonfur Afrika.  

Jaaliyadda Soomaaliyeed, ayaa laamaha ammaabka ee dowladda ugu baaqday in ay wax ka qabtaan dilalka sii kordhaya, ee Soomaalida lagu beegsanayo.

Guddiga Jaaliyadda Soomaalida Koonfur Afrika (SCBSA) ayaa hore u sheegay in bulshada Soomaaliyeed ay dareensan tahay in wax -qabad la’aanta boolisku ay gacan ka geysatay dilalkan socda.

Weerarada ajnabi nacaybka ee Koonfur Afrika ayaa ah arrin joogto ah oo socotay dhowr sano. Sanadkii 2019, Johannesburg iyo Pretoria waxaa ka dhacay rabshado ka dhan ah muwaadiniinta ajnabiga ah oo aakhirkii horseeday inuu xumaado xiriirka u dhexeeya Nigeria iyo Koonfur Afrika.

Si kastaba Dowladda Soomaaliya ayaan sidii loo baahnaa uga hadlin gumaadka lahu hayo muwaadiniinta ku dhaqan South Africa.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 24 October 2021 7:50

Wadaadka xiriirka xooggan la leh kooxo diimeed ka jira Iran, Shaakir, wuxuu ku soo duulay degaan nabad ah oo nidaam dowladnimo iyo kala danbeyn amni ku naalloonaya, wuxuuna muddo dheer oo kataabo garbaha u surnaayeen kadib cagta saaray jidkii Xasan Dhaahir Aweys, ee qori kursi ku doonka ahaa.