Muwaadiniin Soomaaliyeed oo lagu dilay South Africa

Bilihii la soo dhaafay waxaa si weyn u kordhay weerarrada ka dhanka ah Soomaalida ee ka dhacaya dalka Koofur Africa.

Warar Keydmedia Online
Muwaadiniin Soomaaliyeed oo lagu dilay South Africa

CAPE TOWN -  Wararka ka imaanaya dalka Koofur Africa, ayaa sheegay in xalay degaan hoos taga magaalada Cape Town, lagu dilay Muwaadiniin Soomaaliyeed oo ka mid ahaa ganacsatada ku dhaqan dalka dhawaan rabshaduhu waxyeeleeyeen.

Sida ay cadeeyeen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee South Africa, koox burcad ah ayaa weerar ku qaadday xarun ganacsi oo Soomaali leedahay kuna taalla duuleedka Cape Town, waxayna halkaas ku dileen Allaha u naxariistee muwaadiinta kala ah Ibraahim Cumar Caddow Gaabow iyo Isaaq Shiinow Cali.

Falkaas kadib kooxdii dilka geysatay ayaa baxsatay, Booliska dalka Koonfur Afrika oo aan dhacdooyinka ceynkaan ah waxba ka qaban, ayaa goobtaas gaaray wax yar ka dib dhadada, waxa ayna sheegeen in ay baaritaaanno wadaan.

Bilihii la soo dhaafay waxaa si weyn u kordhay weerarada ka dhanka ah Soomaalida ee ka dhacaya dalka Koofur Africa.

Sida lagu sheegay war qoraal ah oo bishii hore ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Xukuumadda Xil-gaarsiinta, Dowladda Soomaaliya ayaa ugu baaqday dhiggeeda Koofur Afrika, in ay xil iska saarto ilaalinta muwaadiniinta Soomaaliyeed.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.