Muxuu ahaa hadalkii Uhuru ee ku socday Soomaaliya?

Madaxweynaha dalka Kenya, Uhuru Kenyatta, ayaa sheegay in dowladdiisa aysan xitaa hal taako oo ciiddeeda ka mid ah aysan u ga tanaasuli doonin cid kale.

Warar Keydmedia Online
Muxuu ahaa hadalkii Uhuru ee ku socday Soomaaliya?

NAIROBI, Kenya - Arrin u muuqatay mid tixraac u ah muranka badda ee Kenya ku dooneyso in ay ku boobto biyaha Soomaaliya, ayuu Uhuru Kenyatta, sheegay in dowladdiisu ay diyaar u tahay inay difaacdo midnimadeeda dhuleed, xilli uu ku guda jiray booqshadiisa keymaha Booni oo u dhow xuddoodka Soomaaliya maalintii Arbacada.

Wuxuu yiri “inkasta oo Kenya ay tahay dal nabadda jecel hadana ma ogolaaneyso in taako ka mid ah dhulkeeda ay ku dhacdo gacanta dal kale”.

Sidoo kale, isaga oo hadal gaaban u jeedinayay dhallinro tababar loo soo xirayay oo ay ka mid ahaayeen qaar ka tirsan ilaalada xeebaha, ayuu yiri, “"Cidna kama aqbaleyno in ay sheegato qeyb ka mid ah ciiddeenna, sida aan u xushmeyno xuduuddaha waddamada kale ayaan rajeyneynaa in xuduuddaheenna dhuleed iyo badeed loo xushmeeyn doono”.

Hadalka Kenyatta, ayaa loo fasirtay inuu ku wajan yahay Dowladda Soomaaliya, isla-markaana uu uga hadlayay kiiska ku saabsan xad badeedka saddex xagalka ah ee uu cabirkiisu yahay 62,000 sq miles (160,000 sq km).

Dowladda Kenya ayaa hore uga baaqsatay ka qeyb galka dhageysiga dacwada badda, waxayna Kenya ku andacootay inay ka cabanayso in maxkamadda aysan si xaq ah ula dhaqmin Kenya iyo in aysan doonayn in ay tixgaliso codsiga Kenya ee ah in dib loo dhigo dhageysiga kiiska iyada oo sabab looga dhigayo feyriska Corona, iyo darisnimada labada dal.

Xiriirka labada dal ayaa dhawaanahaan u muuqday mid soo hagaagaya, kadib markii ku dhawaad muddo sanad ah ay xaaladdu mareysay meel aan caadi ahayn.

Kenya, waxa ay ka mid ah tahay dalalka Africa ee ciidamadu ka joogaan Soomaaliya, kuwaas oo ka mid ah, Howlgalka nabad ilaalinta, AMISOM.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.