Muxuu daarnaa kulankii maanta ee Laftagareen iyo beesha caalamka?

Magaalada Baydhabo waxaa maanta kulan ku yeeshay madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed C/casiis Laftagareen iyo sidoo kale xubno ka socday beesha caalamka oo uu hoggaaminayey wakiilka QM Soomaaliya James Swan

Warar Keydmedia Online
Muxuu daarnaa kulankii maanta ee Laftagareen iyo beesha caalamka?

Wakiiladan ayaa kala ahaa EU Nicolas Berlanga, Midowga Africa Francisco Madeira iyo IGAD Jamaal Xaaji Axmed, waxaana kulankan uu ahaa mid looga hadlayey arrimaha doorashooyinka, xoojinta maamulkiisa ee xiriirka DFS, amniga waqtiga kala guurka ah, arrimaha gargaarka iyo COVID-19.

James Swan ayaa ku bogaadiyey madaxweynaha Koonfur galbeed hanaankii uu uga qeybgalay shirkii DFS iyo dowlad goboleedyada, kaasi oo go'aan looga gaaray hanaanka doorashooyinka.

“Waxaan bogaadinayaa madaxweynaha DKGS Cabdicasiis Xassan Maxamed Lafta-gareen Hanaanka Wanaagsan ee uu ku lahaa markii ay kulmeen Madaxda Dowlad Goboledyada Iyo DFS iyo kulamadooda wixii Kasoo baxay hanaanka Doorasho ee Waqtigeeda ku saleeyan"

Swam oo hadalka sii wata ayaa yiri "Waxaana ku amaanayaa kaalintii uu ku lahaa kulamada Muqdisho iyo kuwii ka horeyey ee Dhuusamareeb looga hadlayey Habsame usocoda Arimaha Siyasadeed ee Soomaaliya oo Doorashooyinka ugu Horeyso"

Xubnaha ka socda beesha caalamka ayaa sidoo kale booqasho ku tagi doona maamul goboleedyada kale ee dalka ka jira.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.