Muxuu Dr Cabdinaasir Cabdulle ka yiri dagaallada ka socda Mudug?

Wuxuu maamullada Galmudug iyo Puntland uga mahad celiyay iskaashiga dhex maray, kaas oo gobolka Mudug, looga saarayo Kooxda Al-Shabaab.

Warar Keydmedia Online
Muxuu Dr Cabdinaasir Cabdulle ka yiri dagaallada ka socda Mudug?

MUQDISHO, Soomaaliya - Musharax Madaxweyne Dr C/naasir Cabdulle, oo markii labaad isku soo sharaxay qabashadda xilka Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa noqday musharixii ugu horeeyay ee ka hadla dagaallda ka socda Gobolka Mudug ee u dhaxeeya ciidamada Galmudug iyo Kooxda Al-Shabaab.

“Waxaan bogaadinaynaa Ciidanka Qaranka iyo kuwa Dowlad Goboleedyada Galmudug iyo Puntland dagaalka ay kula jiraan argagaxisada Alshabaab oo ay ka xoreeyeen deegaanno badan”. Ayuu yiri Dr C/naasir Cabdulle.

Wuxuu maamullada Galmudug iyo Puntland uga mahad celiyay iskaashiga dhex maray, kaas oo gobolka Mudug, looga saarayo Kooxda Al-Shabaab.

“Waxaa u mahadcelinaynaa hoggaanka labada Dowlad Goboleed oo muujiyey hawlkarnimo iyo dhiiranaan taasi oo tusaale u ah miraha iskaashiga ee ladagaallanka cadowga argagaxisada, waxaanuna markasta taageeraynaa ciidankeenna geesiyaasha ah”.  Ayuu sidoo kale yiri Hoggaamiyaha xisbiga Gurmad.

Hadalka Musharax Cabdulle, ayaa imaanaya, iyadoo dagaal xooggan oo u dhaxeeya Ciidamo ka kala tirsan xoogga dalka Soomaaliya, Daraawiishta Galmudug, iyo dad shacab ah oo is aruursaday iyo kooxda Al-Shabaab, uu saakay ka dhacay degaaanno hoos taga magaalada Camaara oo dhacda koofurta Gobolka Mudug.

Wasiirka Amniga doorashooyinka Galmudug Axmed Macalin Fiqi, ayaa dhawaan sheegay in gulufka uusan hakan doonin, inta ay ciidamada Daraawiishta maamulkaas ay caga dhiganayaan magaalada Xarardheere ee gobolka Mudug.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 24 July 2021 15:48

Duqeymaha waxay u diidayaan Al-Shabaab inay hesho fursad ay isku abaabusho, oo ay ku qorsheyso weeraro, kuna tababarto dagaalyahanno cusub, dhanka kale, Mareykanka ayaa duqeymihii uu Soomaaliya ka geystay sanadihii lasoo dhaafay ku laayay shacab badan oo rayid ah.