Farmaajo darka siyaasadda ayuu ka fogeeyay haweenka Soomaaliya

Tan iyo markii la doortay Maxamed Cabdullahi Farmaajo, isaga iyo Kooxdiisu wax ay darka siyaasdda ka fogeeyeen haweenka Soomaaliyeed, oo si weyn loogu amaanay doorkoodii ku aaddanaa nabadda.

Warar Keydmedia Online
Farmaajo darka siyaasadda ayuu ka fogeeyay haweenka Soomaaliya

MUQDISHO, Soomaaliya - 30-kii Juun, ku dhawaaqis si weyn loo wada sugayey ayaa ugu dambeyn lagu xaqiijiyey jadwalka doorashooyinka soo socda ee Baarlamaanka iyo Madaxweynaha Soomaaliya in la qaban doono inta u dhexeysa bilaha Luulyo iyo Oktoobar ee sannadkan. Ku dhawaaqiddan ayaa timid kadib khilaaf muddo bilo ah u dhaxeeyay Dowladda iyo mucaaradka.

Doorashooyinka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha waxay ahayd inay dhacaan dayrtii la soo dhaafay, hayeeshee, is faham-waa jiray ayaa sababay in laga heshiin waayo qaabka iyo waqtiga ay dhacaan doorashooyinka.

Xarig jiidkii siyaasadeed wuxuu weji adag yeeshay bishii Febraayo markii Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Maxamed, “Farmaajo”, uu Baarlamaanka ka dalbaday in waqtiga loo kordhiyo, taas oo horseedday in bishii Abriil, ay caasimadda ku baahaan iska hor imaadyo hubeysan oo u dhexeeya ciidamada Dawladda.

Mar kale waxaa muuqda in khilaafaad hor leh, laga soo abaabulayo Madaxtooyada, laakiin dib u noqoshada halista ah ee khilaafku waxay khatar weyn ku tahay haweenka iyo guud ahaan gabdhaha Soomaaliyeed.

Markii uu iska horimaadku ku sii kordhay magaalada Muqdisho dabayaaqadii bishii Abriil, haween aad u tiro badan ayaa ka qaxay degmooyin ka tirsan caasimadda iyaga oo ka cabsi qaba saameynta rasaasta la is weydaarsanayo iyo beegsi gaar ah, waxayna haweenkaan oo hooyooyin u badnaa carruurtooda ula carareen degmooyin kale.

Rabshaduhu aalaaba waxa ay sare u qaadaan fal-danbiyeedyada, ay ugu horreeyaaan dilka, dhaca iyo kufsiga, haweenka iyo gabdhaha ku nool xeryaha barakacayaasha ayaa la rumeysan yaahy in ay khatarta ugu badan wajahaan.

Ku simaha Isku duwaha Hawlaha Bani'aadamnimada ee Soomaaliya, Cesar Arroyo, ayaa walaac ka muujisay "barakac ballaaran" oo ka dhacay Muqdisho. Tiradii ugu horeysay ee barakacayaasha Soomaaliyeed ayaa lagu qiyaasay inta udhaxeysa 60,000 ilaa 100,000 oo qof kadib rabshadahii dhacay 25-kii Abriil. In kasta oo aan la sheegin tirada haweenka iyo gabdhaha barakacayaasha ah, waxaa la aaminsan yahay in ay yihiin tirada ugu badan.

Dib ugu noqoshada khilaafka waxay yareyn doonaan fursadaha haweenka rajada siyaasadeed leh, kuwaas oo qaarkood u sharaxan yihiin ka mid noqoshada Baarlamaanka Federaalka. Hannaanka doorashada ayaana haweenka u gooni yeelay qoondo 30 boqolkiiba ah, taas oo fulinteeda inta badan ay ku timaado go'aan ka gaarista hoggaamiyeyaasha dhaqanka.

Haweenka Soomaaliyeed waxay taariikh u leeyihiin ka mid noqoshada dadaallada dhexdhexaadinta. Kaliya maahan inay doorkaan ka ciyaareen, sidoo kale waxay qeyb ka ahaayeen hirgalinta ajandaha UN Women, Peace and Security (WPS).

Madaxdii Soomaaliyeed, ee qaban qaabinayay shirkii dib u heshiisiinta ee sanadkii 2000 ka dhacay Jabuuti, ayaa lagu xasuustaa in ay qaateen go’aan taariikhi ah oo ay haweenka ugu ogolaadeen in ay ka mid noqdaan Geedi-socodka Nabadda Qaranka Soomaaliyeed.

Ka qeyb galka haweenka ee kulamada lagu jaan goynayo siyaasadda qaranka waxay noqon kartaa muunad waxtar leh oo wax looga qaban karo cawaaqibka khilaafkan.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 24 July 2021 15:48

Duqeymaha waxay u diidayaan Al-Shabaab inay hesho fursad ay isku abaabusho, oo ay ku qorsheyso weeraro, kuna tababarto dagaalyahanno cusub, dhanka kale, Mareykanka ayaa duqeymihii uu Soomaaliya ka geystay sanadihii lasoo dhaafay ku laayay shacab badan oo rayid ah.