Faragalinta Farmaajo ku hayo arrimaha doorashada 

Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday ee Farmaajo ayaa diiddan in uu howshiisa gud galo ergayga cusub ee Midowga Afrika usoo magacaabeen Soomaaliya, haddaba muxuu Farmaajo u diiddan yahay inuu ergaygaasi guda galo howshiisa nabadeynta saamileyda siyaasadda Soomaaliya.

Warar Keydmedia Online
Faragalinta Farmaajo ku hayo arrimaha doorashada 

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Muddo xileedkiisu dhammaaday ee Farmaajo ayaa dalbaday in lasoo kala dhex galo isaga iyo saamileyda siyaasadda Soomaaliya oo isku mari la' arrimihii doorashooyinka iyadoo haatan dib looga dhacay xilligeedii.

Madaxweynaha Koongo ahna guddoomiyaha Midowga Afrika ee xilligan ayuu Madaxweyne Farmaajo kula kulmay magaalada Kinshaaso, isagoo si hoose uga codsaday in arrinta muranka dhalisay ee doorashooyinka Soomaaliya ay soo fara-galiyaan Ururka Midowga Afrika, arrintaasi oo laga aqbalay ugu dambeyn.

Farmaajo ayaa 1 -dii May hor tagay Golaha Shacabka BJFS isagoo usheegay inuu ka tanaasulay aragtidii muddo kororsiga, sidoo kale wuxuu ku wareejiyay arrimihii lagu muransanaa ee amnigii iyo doorashooyinka Ra'iisul Wasaarihiisii xukuumadda Rooble, waxaana soo dhaweeyay dhinacyadii ay isku diidanaayeen siyaasadda.

Markaas kaddib Farmaajo waxa uu ku fakaray 2 arrimood.

  1. In uu daba-dheereeyo arrinta doorashada, isagoo markii ay dhinac ka hagaagto dhinac kale wax ka billaaba si doorashadu dib ugu sii dhacdo.
  2. Waxa uu isleeyahay haddii RW Rooble aad u wakiilatay doorashadii, Mucaaradkiina aqbaleen maad isaga u xil saaratid arrimaha doorashada, oo si hoose aad arrimaha doorasha u maamushid? Ergayga cusubna wuxuu u arkay in ay isaga caqabad ku tahay!

Rajada laga qabo in ay hagaagto doorashada lagu muransan yahay ayaa sii xumaanaysa, madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Farmaajo ayaana leh mas'uuliyadda oo diiddan in la heshiiyo, dhinacna la isku raaco.

Arrintanina waxay shaki galineysaa geeddi socodkii nabadda Soomaaliya iyo rajadii laga qabay in dalku uu ku tallaabsado.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 9 June 2021 15:42

Inkastoo runtii la qarinayay muddo dheer kadib ay bannaanka timid, hadana arrinta dhaliyarada loo qaaday Eritrea, ayaa sii murugsanaan karta haddii aysan su’aalahaan muhiimka ah ka jawaabin Rooble iyo Kheyre.