Muxuu Farmaajo uga baaqday Shirka Turkiga?

Madasha diblomaasiyasadda ee "Antalya Diplomacy Forum", waxaa ka qeybgalaya Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.

Warar Keydmedia Online
Muxuu Farmaajo uga baaqday Shirka Turkiga?

MUQDISHO, Soomaaliya - Farmaajo ayaa ka baaqday ka qeybgalka Shir shalay ka furmay dalka Turkiga, kaasoo uu kamid ahaa Madax badan oo Afrikan ah oo Casuumaad loo soo diray.

Shirka Antalya Diplomacy Forum waxaa Farmaajo bedelkiisa ka qeybgalaya Maxamed C/risaaq, oo ah Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, kaasoo shalay kasoo muuqday Madasha.

Keydmedia Online ayaa saddex maalmood kahor soo qortay in Erdogan uu diiday inuu Farmaajo la kulmo marka uu dhamaado Shirka oo 18-ka illaa 19-ka soconaya, iyadoo dalabkii Villa Somalia u dirtay Madaxweynaha Turkiga lagu gacan seyray.

Farmaajo ayaa niyad-jab kala kulmay diidmada Erdogan, wuxuuna u diray Shirka Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ku matelaya Soomaaliya, waxaana arintan banaanka soo dhigtay in albaabadii Beesha Caalamka ay kasoo xirmeen Madaxweynaha waqtigiisu dhamaadey.

Turkiga waa saaxiibka ugu weyn Soomaaliya, iyadoo 10-kii sano ee lasoo dhaafay uu ka caawinayay dowladda dhinacyada dhaqaalaha, tababarka Ciidanka, dib u dhiska wadooyinka iyoo arrimaha gargaarka.

Turkiga saldhigga ugu wayn ka furtay Muqdisho 2017, halkaasoo lagu tababaro Ciidamada Gorgor iyo kuwa Haram'cad, waxayna hay'adaha Favori iyo Al-Bayrak oo Turkiga laga leeyahay maamulaan Dekadda iyo Garoonka diyaaradaa ee Aadan Cadde.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.