Muxuu Goodax Barre ka yiri damaca Yuusuf Dabageed?

Cabdullaahi Goodax Barre, ayaa Madaxweyne ku xigeynka Hirshabeelle, ku eedeeyay, inuu u qalab qaatay boobka kuraasta Golaha Shacabka ee degaan doorashadoodu tahay Baladweyne.

News Keydmedia Online
Muxuu Goodax Barre ka yiri damaca Yuusuf Dabageed?

BALADWEYNE, Soomaaliya – Wasiirkii hore ee Wasaaradda Waxbarashada, Cabdullaahi Goodax Barre, oo ka mid ah, musharixiinta Baladweyne u jooga tartanka kuraasta baarlamaanka, ayaa xaqiijiyay in Madaxweyne ku xigeynka Hirshabeelle, uu doonayo, in qaar ka mid ah kuraasta taalla Hiiraan loo xiro shaqsiyaad gaar ah.

Guudlaawe, wuxuu caddeeyay in Yuusuf Dabageed, oo ku daaban Madaxtooyada Soomaaliya, uu ka baxay ballan uu dhawaan ka qaaday Musharixiinta, kaas oo ahaa, in si daah-furan loo tartami doono, isla-markaasna, uusan qorshahas u meel mari doonin, maadaama, dadka degaanku doonayaan tartan daah-furan.

Marnaba, ma yeeli doonno, kursi la xiro, ee la leeyahay, anigaa xiray, qofkaasna siiyay, hadda ka hor, Madaxweyne, ku xigeynku, fagaare ayuuu ka sheegay, in marna aysan qabiillada kuraasta leh dad keensa karin, oo iyagu magacaabi doonaan, dhaqankaas ma rabno. Ayuu yiri Goodax.

Wasiirkii hore ee Waxbarashada, wuxuu xusay, in go’aanka rasmiga ah, looga fadhiyo Madaxweynaha Maamulka Cali Guudlaawe, kaas oo laga doonayo inuu dhexda u xiro, hirgalinta, doorasho daah-furan, si looga baaqsado, xiisad cusub oo ka qaraxda Baladweyne.

Hadalka Goodax Barre, ayaa ku soo aadaya, xilli, warar ka imaanaya xarunta gobolka Hiiaan, ay sheegayaan, in qaar ka mid ah, siyaasiyiinta kuraasta raadineysa, ay wadaan abaaul ciidan, si ay ku garab istaagayaan Guudlaawe, hadii Dabageed, ku adkeysto boobka doorashada.

Keydmedia Online, ayaa hore u baahisay, jiritaanka khilaafkaan, kaas oo salka ku haya, hannaanka loo maamulayo, doorashada kuraasta taalla Baladweyne, gaar ahaan 11-ka kursi oo doorashadooda la iclaamiyay.

62 xildhibaan, ayaa ka dhiman doorashada kuraasta baarlamaanka 11-aad ee JFS, taas oo la qorsheeyay in la soo gabagabeeyo 15-ka Maarso 2020, oo ay ka dhiman tahay todobo maalmood oo kaliya.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.