Muxuu salka ku hayaa walaaca Midowga Yurub?

Midowga Yurub wuxuu ku doodayaa in haddii aan la helin badda Soomaaliya, ay wiiqmi doonto awoodda EU NAVFOR ee ah in ay dhaqdhaqaaqyo ka dhan ah burcadbadeedda ka fuliso gobolka oo dhan.

News Keydmedia Online
Muxuu salka ku hayaa walaaca Midowga Yurub?

MUQDISHO, Soomaaliya – Khilaafka siyaasaded ee ka dhex aloosan Madaxweynihii hore Farmaajo, oo wali ku sugan Madaxtooyada iyo Sii-hayaha Xilka Ra’iisul Wasaraha, Rooble, dib u dhaca doorashooyinka iyo hubanti la’aanta siyaasadeed ee waddanka, ayaa sare u qaadday walaaca Midowga Yurub ee ku aaddan mustaqbalka howlgallada Atalanta ee ka dhanka ah burcadbadeedda xeebaha Soomaaliya.

Bishii hore, UNSC (Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay) iyo dowladda Soomaaliya, ayaa muddo saddex bilood ah ku kordhiyay dhammaan howlgallada ciidamada badda ee caalamiga ah, kuwaasoo uu ka mid ah Hawlgalka Atalanta oo sidoo kale loo yaqaan EU NAVFOR Somalia, ee Midowga Yurub hoggaamiyo.

Muddada howlgakaan ayaa ku eg bisha March ee foodda nagu soo heysa, taas oo sii kordhineysa walaaca Midowga Yurub ee howlgallada badda, maadaama ay shaqo la’aan noqoneyso EU NAVFOR, oo 14 sano sheeganaysay in ay burcad-badeed kula dagaallameysay  biyaha Soomaaliya.

Inkastoo ay si joogto ah hoos ugu dhaceen weerarrada budhcad-badeedda tan iyo sannadkii 2011-kii, haddana saraakiisha Midowga Yurub, ayaa ku doodaya in loo baahan yahay waqti dheeraad ah, hayeeshee, xogaha ayaa muujinaya in DF aysan dooneyn sii wadidda howlgallada caalamiga ah ee biyaha Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya waxay ku adkeysaneysaa in howlgalka Atalanta uu si weyn diiradda u saaro kalluumeysiga sharci darrada ah iyo daadinta qashinka sunta ah haddii la doonayo muddo kordhin iyo in la ogolaado sii socoshada howlgalka.

Waxaa jiray eedeymo maxalli ah oo sheegaya in EU NAVOR ay mararka qaar dhiirigeliso maraakiibta sida sharci darada ah uga kalluumeysta biyaha Soomaaliya, gaar ahaan kuwa kaluumeysiga ee ka yimaada dalalka Yurub.

Saraakiisha ka socda EU, waxa ay ku doodayaan in loolanka siyaasadeed iyo maamul xumada jirta ay Al-Shabaab ka caawisay in ay sii xoogeysato, si taas la mid ahana waxa ay ka digeen in khilaafaadka gudaha uu sidoo kale gacan ka geysan karo in kooxaha burcad-badeedda dib u xoogeystaan.

Marka la eego qalalaasaha siyaasadeed ee socda, Midowga Yurub wuxuu qorsheeyay inuu kordhiyo cadaadiska Soomaaliya si loo helo ugu yaraan sagaal bilood oo kale oo dheeri ah, iyadoo u jeedku yahay in dowladda soo socota ay go’aamiso qorshaha fog howlgallada badda.

Haddii aan arinkaan xal loo helin ka hor dhamaadka bisha March, EU NAVFOR Somalia, waxa ay lumin doontaa saldhigeeda sharci ee ay kaga howlgali karto xeebaha Soomaaliya.

Marka laga soo tago la dagaallanka burcad badeedda, howlgalku wuxuu xaqiijinayaa ilaalinta maraakiibta WFP (Barnaamijka Cunnada Adduunka) ee gargaarka u keena qaxootiga Soomaaliya.

Midowga Yurub wuxuu ku doodayaa in haddii aan la helin badda Soomaaliya, ay wiiqmi doonto awoodda EU NAVFOR ee ah in ay dhaqdhaqaaqyo ka dhan ah burcadbadeedda ka fuliso gobolka oo dhan.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.