Muxuu RW Rooble kala hadlay danjire Axmed Bin Almuwalad?

RW Rooble, ayaa safiirka Sucuudiga guddoonsiiyay billaddo sharaf  uu ugu talo galay safiirkii hore ee Sacuudiga u qaabilsanaa Soomaaliya, Maxamed Khayaad, sidoo kale waxa uu Ra’iisul Wasaaruhu billad sharaf guddoonsiiyay xarunta Boqor Salmaan ee gargaarka.

News Keydmedia Online
Muxuu RW Rooble kala hadlay danjire Axmed Bin Almuwalad?

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble oo ku jira maalmihiisii ugu danbeeyay ee xafiiska, maadaama la filayo in saacadaha soo socda la magacaabo Ra’iisul Wasaraha cusub, ayaa maanta qaabilay safiirka Boqortooyada Sacuudiga Carabiya ee Muqdisho Axmed Bin Maxamed Al-Muwalad.

Sida lagu sheegay war ka soo baxay xafiiska RW Rooble, kulanka waxaa looga hadlay sara u qaadista xiriirka walaalnimo iyo iskaashi ee Soomaaliya la leedahay Sacuudi Carabiya, waxayna dhinacyadu hoosta ka xariiqeen in xiriirka labada dal uu sii wanaagsanaado ka dib doorashadii madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Danjire Axmed Bin Maxmed Almuwalad ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga mahadceliyay sidii wanaagsaneyd ee dalka loogu soo dhaweeyay iyo wadad shaqeyntii wanaagsaneyd, isagoo sheegay in Boqortooyada Sacuudiga iyo hoggaankeedu diyaar u yihiin in ay Soomaaliya ka gacan siiyaan dhinac kasta, si gaar ah gurmadka abaaraha, dhaqaalaha iyo amniga.

RW Rooble, ayaa safiirka Sucuudiga guddoonsiiyay billaddo sharaf  uu ugu talo galay safiirkii hore ee Sacuudiga u qaabilsanaa Soomaaliya, Maxamed Khayaad, sidoo kale waxa uu Ra’iisul Wasaaruhu billad sharaf guddoonsiiyay xarunta Boqor Salmaan ee gargaarka iyo arrimaha bani’aadminimada oo kaalin weyn ka qaadaneysa gurmadka abaaraha.

Al-Muwallad waa safiirkii labaad ee Sacuudiga u soo magacaabo Soomaaliya tan iyo burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya sanadkii 1991. Dr. Maxamed Cabdi-kani Al-Khayat ayaa bishii Janaayo ee sanadkii 2017 waxaa warqadihiisa aqoonsiga ka guddoomay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo xilligas ka sii degayay xukunka.

Sacuudiga ayaa ku jira dalal uu xiriirkooda diblumaasiyadeed ku turtay Farmaajo sababo la xariiray dano gaar ah iyo amarro ay siisay dowladda Qatar, kadib dagaal diblomaasiyadeed oo dhex maray Sucuudiga iyo Qatar, ayay Somaliya la safatay Dooxa.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
News 30 June 2022 10:19

Barre was briefed on the progress of the project, which includes a number of facilities, the most important of which are the prime minister’s office, the government headquarters, the prime minister’s residence, a guest house, and a mosque.