Muxuu RW Rooble kala hadlay madaxda maamul goboleedyada?

Shir Madaxeed ay isugu yimaadeen Madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka ee uu hoggaamiyo, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa xalay ka dhacay aaladda fogaan aragga ee ZOOM-ka.

Warar Keydmedia Online
Muxuu RW Rooble kala hadlay madaxda maamul goboleedyada?

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble, ayaa kulan ka dhacay aaladda fogaan aragga ee Zoom-ka, xalay la qaatay madaxa Dowlad goboleedyada iyo guddoomiyaha goobolka Banaadir.

Sida lagu sheegay war ka soo baxay xaafiiska Rooble, kulanka waxaa looga hadlay, arrimaha doorashooyinka, gaar ahaan dardargalinta qabsoomidda doorashada kuraasta Aqalka Sare, oo qorshuhu ahaa in ay shalay bilaabato.

 “Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble oo habka fogaan aragga kula shiray madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka, ayaa ku boorriyay in ay sida ugu dhaqsaha badan u qabtaan doorashada aqalka sare”. Ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Xukuumadda.

Qoraalka, waxaa lagu sheegay in Madaxda isla qadatay in la dardar geliyo doorashada Golaha Aqalka Sare ee BFS, iyadoo laga fogaanayo dib u dhac mudadiisu dheertahay oo ragaadin kara doorashooyinka guud.

Shir Madaxeedkaan ayay Madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka, kaga hadleen holwgallada ka dhanka ah Kooxda Al-Shabaab ee ka socda Koofurta gobolka Mudug, waxayna madaxweynaha iyo bulshada Galmudug ku bogaadiyeen howlgallada.

July 25, 2021, oo shalay ku beegneyd, ilaa 28-ka, waxaa loo qorsheeyay in la gudagalo lana soo gabagabeeyo doorashada Aqalka Senate-ka, hayeeshee hirgalinta qodobkaas ayaa lagu guuldareystay.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 20 September 2021 18:56

Khabiir amni ayaa ku doodaya in loo baahan yahay in la furo baariska dilkii Injineer Yariisow, si xal loogu helo, xaaladda cakiran ee la xariirta baarista kiiska Ikraan Tahliil Faarax, iyo saraakisha kale ee NISA.