Dagaalka Baraha Bulshada ee CC Warsame iyo Khadiijo M. Diiriye

Labada Mas'uul ayaa iskala jaad-qaadey taageeradda Farmaajo, oo CC Warsame u muuqda inuu dhibsaday qoraallada Wasiir Khadiija oo guul-wadeynta.

Warar Keydmedia Online
Dagaalka Baraha Bulshada ee CC Warsame iyo Khadiijo M. Diiriye

MUQDISHO, Soomaaliya - Musharax C/raxmaan C/shakuur Warsame iyo Wasiirka Arrimaha Gargaarka ee DF, Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa waxaa ka dhex taagan dagaal sii xoogeysanaya oo dhanka baraha bulshadda [Social Media], gaar ahaan Facebook.

Dagaalka labada Mas'uul ayaa qarxay kadib markii CC Warsame uu ka falceliyay qoraal ay Khadiijo soo dhigtay barteeda Facebook shalay, kaasoo ku saabsanaa booqasho ay ku tagtay qabriga kaligii-taliye Maxamed Siyaad Barre ee Garbahaarey.

Khadiijo ayaa ku qortay Facebook: "Waxaan soo siyaaranay qabriga aabe Siyaad Alloow u naxariiso Insha Allaah".

CC Warsame oo ka jawaabey qoraalkeeda ayaa isna yiri: Waa sida kali ah aad ku raali-gelin karto Maxamed Farmaajo, Madaxweynaha mudo-xileedkiisu dhamaaday waa tan aan diidanayn, diidi doono, marna aanan yeeli doonin"

Iyadoo u jawaab-celinaysaa CC Warsame, ayay Khadiijo tiri: Horaan u iri iska hadloow ina igare, illeyn xabad cadiin galay xis ma galo. Alle u naxariisigii meey ka qabatey maanta [aabihii garashadda u yeeratay marxuumka dikriyaadkiisii wuu soo qaatay waana u qireynaa alloow qabriga u nuuri] saqiirka siyaasiga waana sidii majaaniinta oo xisaab looma qoro, marxuum wax ma dhaamo meydka soconaya"

Aad baa baraha bulshada u qabsaday hadallada ay is dhaafsanayaan labada mas'uul, waxaana ay kusoo beegmaysaa xili olole doorasho ay dhinacyada ku jiraan, islamarkaana CC Warsame uu tooshka ku hayo Farmaajo.

Khadiijo Maxamed Diiriye waa haweeney mudo siyaasadda kusoo jitay oo dowlado dhowr ah kasoo mid noqotay, waxayna ku caan-baxday in nacamleynta madaxda xiligaas kursiga ku fadhisa, si ay booskeeda u ilaashato.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.