Muxuu salka ku hayaa safarka Farmaajo ee Qatar?

Doha ayaa safartii sano ee Farmaajo saameyn xoog leh ku lahayd arrimaha siyaasadda dalka, iyadoo wakiil uga ahaa Fahad Yaasiin.

Warar Keydmedia Online
Muxuu salka ku hayaa safarka Farmaajo ee Qatar?

MUQDISHO, Soomaaliya - Farmaajo ayaa saakay ka duulay Garoonka Aadan Cadde, isagoo kusii jeeda magaaladda Doha, ee Caasimadda dalka Qatar, sida Villa Somalia sheegtay.

Xafiiskiisa wuxuu sheegay in Farmaajo uu casuumaad ka helay Amiirka Qatar Sheikh Thamim, si uu uga qeyb-galo Tartanka Kubadda ee 2021 FIFA Arab Cup oo berri ka furmaya Doha

Laakiin, Keydmedia waxay heshay xogo iyo macluumaad sheegaya in Farmaajo uu lacag uu ku galo doorashadda ka doontay dowladda Qatar, oo Feb. 2017 maalgelisay doorashadiisii.

Horaantii bishan, Keydmedia ayaa soo qortey in lacag ka timid Qatar oo boorsiiyin ku jiraan ayaa kasoo degtay Garoonka Aadan Cadde, taasoo uu wadey Fahad Yaasiin. [Halkan ka akhri].

Doha waxay isku dayaysaa inay dib usoo celiso Farmaajo, kadib markii uu noqdey adeegihii ugu daacadsanaa oo afartii sano ee uu joogey Villa Somalia ka shaqeeyay danaheeda dalka.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.