Muxuu Sheekh Shariif ka yiri doorashada Golaha Shacabka?

Guddoomiyaha Golaha Midowga Musharixiinta, ayaa soo dhaweeyay billaabashada doorashada Golaha Shacabka, hayeeshee, walaac ayuu ka muujiyay sida ay u bilaabatay.

Warar Keydmedia Online
Muxuu Sheekh Shariif ka yiri doorashada Golaha Shacabka?

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh, Axmed, ayaa soo dhaweeyay billabashada doorashada Golaha shacabka ee baarlamaanka 11-aad ee JFS, wuxuuna ku baaqay in la dardar-galiyo dhameystirka hannaanka doorashada.

“Anigoo ku hadlaya magacayga iyo magaca taageerayaashayda waxaan soodhaweynayaa bilowga doorashada Golaha shacabka ee Baarlamaanka 11aad JFS. Sida la wada ogsoon yahay doorashadaani waxay ka dib dhacday wakhtigii loo asteeyay, waxayna u baahantahay dardargelin iyo in laga feejignaado dib u dhac kale oo ku yimaada”. Ayuu yiri.

Hoggaamiyaha Xisbiga Himilo Qaran, wuxuu carrabka ku dhuftay in abaaraha, nabad galyo xumada, hoos u dhac dhaqaale, hubanti la'aan iyo walaaca siyaasadeed ay keentay dib u dhaca doorashada, wuxuuna ku baaqay in loo turo bulshada dhibaataysan.

“In la qabto doorasho hufan, daahfuran oo heshiis lagu yahay waxay fure u tahay nabadda iyo xasiloonida, wadajirka dalka, horumarka dhaqaalaha iyo la tacaalidda abaaraha aafeeyay waddanka.” Ayuu ku sii daray.

Soo dhaweynta billaabashada doorashada Golaha Shacabka kadib, MW Shariif, wuxuu muujiyay walaac ku aaddan hannaanka lagu daah-furay doorashada, isagoo ka digay boobka doorashada lagu iba-furay, kaas oo keeni kara go’aanno ka dhan ah natiijada doorashooyinka guud.

“Waxaan walaac ka muujinayaa sida ay u bilaabatay doorashada Golaha Shacabka, waxaa jira cabashooyin ku aadan hannaanka doorashada loo maamulayo, waxayna keeni kartaa inuu muran ka dhaco natiijada doorashada Golaha Shacabka haddaan la ilaalin daah furnaanta doorashada iyo habraacyadii lagu heshiiyay 17 Sep 2020 iyo 27 May 2021”.

Golaha Wadatashiga Qaranka ayuu ugu baaqay inay xalliyaan tabashooyinka soo if-baxaya oo ay wax ka qabtaan cabashada iyo walaaca laga muujinayo hannaanka loo maamulayo doorashada, lana dhaqan-galiyo habraacyadii iyo hannaankii lagu heshiiyay ee doorashada Golaha shacabka.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 6 December 2021 18:32

Boobkii doorashada ee sababay dilkii MW Soomaaliya iyo isku dhajintii xukunka ee keentay burburka dalka ayuu Farmaajo dib u soo celiyay, wuxuu diiddan yahay banneynta xaafiiska iyo hirgalinta doorasho xalaal ah.