Muxuu u fashilmay Shirkii 3-aad ee Farmaajo ku baaqay?

Xudunta khilaafka ayaa ah goobta lagu qabanayo kulanka, iyadoo Axmed Madoobe iyo Deni ay soo jeediyeen xarunta Xalane.

Warar Keydmedia Online
Muxuu u fashilmay Shirkii 3-aad ee Farmaajo ku baaqay?

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa markii 3aad fashil uu ku yimid shir uu ku baaqey Farmaajo, oo u dhaxeeya dowladda iyo Maamul Goboleedya dalka.

Kulankii maanta la filayay inuu ka furmo Villa Somalia ayaa fashilmay, waxaana u sabab ah diidmada Jubbaland iyo Puntland inay kasoo qeybgalaan wadahadallada arrimaha doorashadda.

Fashilka ugu wayn wuxuu ka yimid madasha shirka, oo Axmed Madoobe iyo Deni ay kasoo horjeesteen in lagu qabto xarunta Madaxtooyadda Soomaaliya, iyadoo soo jeediyay in loo wareejiyo Xalane.

Farmaajo ayaa ku fashilmay hogaaminta dalka iyo inuu doorasho xor iyo xalaal aj waqtigeeda ku qabto marka uu mudo-xileedka afarta sano dhamaado Feb 8, sanadkan 2020.

Kala aragti duwanaanta hanaanka doorashada ayaa sii daba dheeranaayan, mana muuqato rajo wanaagsan in si deg deg ah dhinacyada heshiis loo dhan yahay ku gaari karaan.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.