Muxuu u tagay Safiirka Itoobiya magaalada Baydhabo?

Madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen oo ay wehlinayeen xubno ka mid ah golihiisa wasiiradda, ayaa kulan la qaatay Safiirka dowladda Itoobiya ee Soomaaliya, iyaga oo kawada hadlay arrimaha doorashooyinka iyo Amniga degaannnada maamulka Koonfur Galbeed.

Warar Keydmedia Online
Muxuu u tagay Safiirka Itoobiya magaalada Baydhabo?

BAYDHABO, Soomaaliya - Magaalada Baydhabo waxaa gaaray Safiirka dowladda Itoobiya u fadhiya Soomaaliya Amb. Cabdifitaax Sheekh Cabdullaahi.

Madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen oo ay wehlinayeen xubno ka mid ah golihiisa wasiiradda, ayaa kulan la qaatay Safiirka dowladda Itoobiya ee Soomaaliya, iyaga oo kawada hadlay arrimaha doorashooyinka iyo Amniga degaannnada maamulka Koonfur Galbeed.

Lafta-gareen ayaa booqaadiyay booqashada safiirka iyo taageerada Amni oo ay siiso Itoobiya maamulka Koonfur galbeed, isagoo ka dalbaday inay sii labo laabaan.

Safiirka Dowlada Itoobiya u fadhiya Soomaaliya ayaa dhiniciisa  tilmaamay in uu aad ugu faraxsan yahay booqashadiisa  Baydhabo, wuxuuna ballan qaaday inay sii wadayaan wadashaqeynta ay la leeyihiin Madaxda maamulka Koonfur Galbeed.

Inta badan ciidamada Itoobiya ee ku howlqala magaca AMISOM waxay joogaan deegaannada Koonfur galbeed, haba ugu badnaadaane labada gobo ee kala ah Bay iyo Bakool, kuwaas oo ka qeyb qaata dagaalka lagula jiro kooxda Al-shabaab.

Hogaanka Itoobiya iyo Eretria oo saaxib dhaw la’ ah madaxweynaha waqtigiisu idlaaday ee Farmaajo ayaa aad u taageersan dib u soo noqoshadiisa, booqashadanna uu ku tagay safiirka Itoobiya u fadhiya Soomaaliya ayaa la sheegayaa inuu ugu hambalyeynayo sidii ay u soo saareen koox taabacsan Farmaajo iyo Fahad oo miisaankooda siyaasadeed ee xilligan uusan wacneyn.

Koonfur Galbeed ayaa ah maamulkii labaad ee dhammeystira xubnaha kumatalaya Aqalka Sare, kuwaas oo tiradoodu gaarayay sided xubnood, halka Puntland ay tahay maamulkii ugu horreeyay ee maalin gudihii kusoo gabagabeeya doorashada 11 xubin oo ku matala dowladda Federalka Soomaaliya.

KEYDMEDIA ONLINE 

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 24 October 2021 7:50

Wadaadka xiriirka xooggan la leh kooxo diimeed ka jira Iran, Shaakir, wuxuu ku soo duulay degaan nabad ah oo nidaam dowladnimo iyo kala danbeyn amni ku naalloonaya, wuxuuna muddo dheer oo kataabo garbaha u surnaayeen kadib cagta saaray jidkii Xasan Dhaahir Aweys, ee qori kursi ku doonka ahaa.