Muxuu Xuseen Sh Maxamuud ka yiri go’aanka Lafta-gareen?

Senatar Xuseen Sheekh Maxamuud oo ah Xoghayaha Xisbiga Madaxweynihii hore ee Soomaliya Xasan Sheekh Maxamuud ee UPD, ayaa sheegay inuu in kaliya cabiridda afkaartiisa siyaaasadeed ay sababtay in laga reebo musharixiinta Aqalka Sare.

Warar Keydmedia Online
Muxuu Xuseen Sh Maxamuud ka yiri go’aanka Lafta-gareen?

MUQDISHO, Soomaaliya - Senatar Xuseen Sheekh Maxamuud oo ah Xoghayaha Xisbiga Madaxweynihii hore ee Soomaliya Xasan Sheekh Maxamuud ee UPD, ayaa sababta looga reebay u baratanka kursiga Aqalka Sare ee uu ku fadhiyay afartii sano ee la soo dhaafay ku tilmaamay kaliya inuu si xor ah u cabirayay fikirkiisa isagoo aan cidna uga gambanayn.

“Qalinka waxaa haysta mas’uul siyaasi ah oo heshiis siyaasadeed fursad loogu siiyey inuu kala doorto gaar ahaan kuraasta Aqalka Sare ee Baarlamaanka 11aad. Cabbirka fikirka madaxbannaan ee dhaqanka ii ahaa muddo xileedkii la soo dhaafay, ayaan aaminsanahay inay sabab u ahayd in la iga reebo tartanka Aqalka Sare ee xilligan.” Ayuu yiri Sanatar Xuseen.

Senatar Xuseen Sheekh Maxamuud, ayaa ka mid ahaa xildhibaannada aadka uga soo horjeeday nidaamkii Farmaajo ee mudadiisu dhamaatay, wuxuuna dhowr jeer Baarlamaankii 10-aad ku eedeeyay wax qabad la’aan iyo in ay ku milmeen Laanta Fulinta.

Madaxweynaha Koofur galbeed, Cabdicasiis Lafta-gareen oo ahaa xukuumaddii Kahayre ka ahaa Wasiir, ayaa shaqsiyaad qaraabadiisa u badan u xiray kuraasta Aqalka Sare ee ka imaaneysa maamulkaas wuxuuna albaabada ka xirtay Xubnihii mucaaradka.

Magacyada tartamayaasha Musharaxiinta Aqalka Sare ee kasoo galaya Koonfur Galbeed qeybtii ugu horeysay waxay noqdeen Kooxda Farmaajo iyo Fahad hoggaamiyaan, waana wax laga filayay Lafta-Gareen iyo madaxda kale ee ku xiran Villa Somalia.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 20 September 2021 18:56

Khabiir amni ayaa ku doodaya in loo baahan yahay in la furo baariska dilkii Injineer Yariisow, si xal loogu helo, xaaladda cakiran ee la xariirta baarista kiiska Ikraan Tahliil Faarax, iyo saraakisha kale ee NISA.