Muxuu yahay shirka Carbeed oo ay xaadirtay Soomaaliya?

Wasiirka Amniga Gudaha Cabullaahi M. Nuur, ayaa kala duwan la qaatay, inta badan Wasiirrada Arrimaha Gudaha dalalka Carbeed ee xaadiray Kalfadhiga 39-aad ee Golaha Wasiirrada Arrimaha Gudaha Carabta

News Keydmedia Online
Muxuu yahay shirka Carbeed oo ay xaadirtay Soomaaliya?

TUNIS - Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Xukuumadda Xil-gaarsiinta, Cabdullahi Maxamad Nuur iyo Wafdi uu hoggaaminaayo ayaa ka qeyb galay, Kalfadhiga 39-aad ee Golaha Wasiirrada Arrimaha Gudaha Carabta, oo ka qabsoomay dalka Tunisia.

Kulanka oo ay soo qaban qaabisay dowladda Tunisia, ayaa intii uu socday waxa ay wasiirradu ka wada hadleen khatarta amni ee gobolka, sida argagixisada, daroogada, dembiyada internetka iyo socdaalka sharci darrada ah.

Shirkaan ayaa dib loogu cusbooneysiiyay, ballanqaadka istiraatiijiyadda lagula dagaallamayo isticmaalka maandooriyaha, istaraatiijiyadda difaaca madaniga ah iyo istaraatiijiyadda ka hortagga argagixisada, saddexda sano ee soo socota.

Qodobka ka hortagga maandooriyaha waxaa la cusbooneysiiyay markii 10-aad, istiraatiijiyadda difaaca madaniga ah, iyana waxaa la siyaadiyay markii lixaad, halka, istaraatiijiyadda la-dagaallanka argagixisada la boor qaaday markii sagaalaad.

War ka soo baxday, Wasaaradda Amniga, ayaa lagu sheegay in Wasiir Cabdullahi M. Nuur, kulamo la Yeeshay Madaxweynaha Tunisia, Kais Saied, Wasiirka Arimaha gudaha Masar, Mahmoud Tawfik , Wasiirka arimaha gudaha iraq Othman Al-Ghanmi, iyo madax kale.

Kulamadaan oo gooni gooni uga dhinac socday shir-madaxeedka Wasiirada Arrimaha Gudaha Carabta, ayaa looga hadlay, sidii loo xoojin lahaa xiriirka iyo iskaashiga kala dhexeeyay Dowladda Soomaaliya.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.