Muxuu yahay Ujeedka Wafdiga UN-ka ee la kulmay Qoor-Qoor?

Doorashad Aqalka sare ee Senatorada laga soo dooranayo dhanka Galmudug ayaa ah mid uu ka jiro loolan aad u xooggan, waxaana kursaasta taalla maamulkaas ee aqalka sare ay tahay mid si weyn loo hadal hayo.

Warar Keydmedia Online
Muxuu yahay Ujeedka Wafdiga UN-ka ee la kulmay Qoor-Qoor?

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa Magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda maamulka Galmudug gaaray wafdi ka socda Qaramada Midoobe, kaas  oo ay hoggaamineyso ku-xigeenka Ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha-guud ee Qaramada Midoobay Marwo Anita Kiki Gbeho.

Wararka aan halkaa ka helayno ayaa sheegaya, in Ujeeddada socdaalka wafdigan ay tahay  qiimaynta xaaladda guud ee dowlad goboleedka Galmudug, si gaar ah arrimaha doorashooyinka iyo horumarinta.

Waxaa la filayaa in xubnaha wafdigani ay kulamo la qaada doonaan madaxda maamulka Galmudug, ayna kala hadli doonaan arrimaha doorashada maammulkaas, oo ay cabasha badan ka keeneen siyaasiyiinta qaar qaabka uu wax u wado madaxwayne Qoor Qoor.

Doorashad Aqalka sare ee Senatorada laga soo dooranayo dhanka Galmudug ayaa ah mid uu ka jiro loolan aad u xooggan, waxaana kursaasta taalla maamulkaas ee aqalka sare ay tahay mid si weyn loo hadal hayo.

Madaxwaynaha Maamulka Galmudug  Axmed Cabdi Kaariye  Qoor Qoor ayaa la filayaa inuu maro wadadii Cabdicasiis Laftagareen,islamarkaanka uu meesha ka saaro siyaasiyiinta miisaanka culus, ee u sharaxan kuraasta Aqalka sare ee taala deegaanada maamulkaas.

Waxaana  dhawaan maamulkaasi uu soo saaray amaro culus oo ku aaddan arrimaha doorashooyinka, waxaana sidoo kale la joojiyay in Mushariixinta u tartamaya kuraasta aqalka sare loo sameeyo soodhaweyn.

Qoraal kasoo baxay Madaxtooyadda Galmudug:

Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, ayaa Xarunta Madaxtooyada kula kulmay Ku-xigeenka Ergeyga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Marwo Anita Kiki Gbeho iyo wafdi ay Hoggaaminayso oo maanta soo gaaray Magaalada Dhuusmareeb.

Kulanka oo ay ka qeybgaleen xubno ka mid ah Golaha Wasiirada ayaa looga hadlay guud ahaan xaaladda Galmudug, arrimaha Doorashooyinka iyo sidii loo dardar gelin lahaa,amniga doorashada iyo Arrimaha horumarinta.

Madaxweynaha DGM ayaa dhinaca kale ka warbixiyay howlgalada ka dhanka ah cadowga argagaxisada iyo guulihii u danbeeyay oo laga gaaray. Madaxweynaha ayaa dhinaca kale ka warbixiyay xaaladaha bini’aadanimo ee soo foodsaaray shacabka ku sugan deeganada dhawaan laga sifeeyay argagaxisada.

Dhinaca kale, wafdiga ayaa kulan doceed la qaatay Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Baarlamaanka Galmudug Marwo Faadumo Cabdi Cali (Faandhe).

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 20 September 2021 18:56

Khabiir amni ayaa ku doodaya in loo baahan yahay in la furo baariska dilkii Injineer Yariisow, si xal loogu helo, xaaladda cakiran ee la xariirta baarista kiiska Ikraan Tahliil Faarax, iyo saraakisha kale ee NISA.