MW Shariif kama hadlin xil ka qaadista Fahad Yaasiin

Madaxweynihii hore, oo in muddo ah ka aamusnaa kiiska Ikraan, ayaa sidoo kale, si buuxda uga gaabsaday xil ka raacdeynta Agaasimihii hore ee NISA, taas badelkeeda wuxuu wax lagu xumaado ku tilmaamay wad-shaqeyn la’aanta laamaha ammaanka.

Warar Keydmedia Online
MW Shariif kama hadlin xil ka qaadista Fahad Yaasiin

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, oo maanta dalka dib ugu soo laabtay ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah oo ku saabsan xaalladda uu dalku ku jiro, wuxuuse ka gaabsaday xil-ka qaadista eedeysane, Taliyihii hore ee NISA, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, oo ay ku socdaan baaritaanno maxakamadeed.

Guddoomiyaha Golaha Midowga Musharaxiinta, Shariif Sheekh Axmed, wuxuu si degan uga hadlay dilka Ikraan, wuxuu ka ticsiyeeyay geerida aan xaqiiqadeeda la hubin ee ay sheegtay Hay’aada Nabad-sugiddda Qaranka,  wuxuuna ku baaqay in cida mas’uulka ka ah arrinkaas la horkeeno cadaaladda.

“Waxaa rabaa inaa uga tacsiyadeeyo gabadheenna ehelkeeda iyo qaraabadeeda, iyo dadka Soomaaliyeed, runtii ma astaahilin in la dilo gabar Soomaaliyeed wax baratay u soo ban-baxay Qarankeeda iyo dadkeeda u shaqeyso, waajib ayay aheyd in la ilaaliyo nafteeda iyo sharafkeeda, inay ka mudato hey’addii ay ka shaqeyneysay ama cid xiriir la leh ama si kastaba, inay nafteeda weyso waa wax aad iyo aad looga xumaado waaye waana arrin runtii aan la aqbali karin aad iyo aad u foolxun muujineysa mas’uuliyad darro aad u weyn marka waxaa leenahay gabadhaas waa in ay cadaalad heshaa, waa in cida mas’uulka ka aheyd la horkeenaa cadaaladda.” Ayuu yiri Madaxweynihii hore ee dalka.

Dhanka kale, wuxuu wax laga xumaado ku sheegay xasillooni la’aanta Siyaasadeed ee dalku hadda ku jiro, wuxuuna nasiib-darro ku tilmaamay khilaafka u dhaxeeyay xaafiisyada RW Rooble iyo Farmaajo.

Shirka jaraa’id ee Sheekh Shariif, ayaa si weyn kaga gadisnaa hadalladiisii hore, waxaana hadal jeedintiisa laga dheehan karay, inuu raalli ka yahay tallaabooyinka uu Farmaajo qaadayay maalmihii la soo dhaafay, si uu uga hortago in Fahad Yaasiin uu wajaho Cadaaladda.

Madaxweynihii hore, oo in muddo ah ka aamusnaa kiiska Ikraan, ayaa sidoo kale, si buuxda uga gaabsaday xil ka raacdeynta Agaasimihii hore ee NISA, taas badelkeeda wuxuu wax lagu xumaado ku tilmaamay wad-shaqeyn la’aanta laamaha ammaanka.

Shirka Jaraa’id ee Madaxweynihii hore ayaa ku soo aaday, xilli maalmihii la soo dhaafay ay soo baxayeen warar sheegay in Sheekh Shariif iyo Fahad Yaasiin gaareen heshiis hoose, kaas ayaana la rumeysan yahay inuu sabab u yahay is-gaabinta hoggaamiyihii hore ee Urur-kii Maxaakiimta.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.