Waa maxay u jeedka MW Xasan u tagayo Baydhabo?

Sida la rumeysan yahay, Cabdicasiis Xasan Maxamed [Laftagareen], wuxuu noqon karaa Madaxweynaha ugu horreeya ee ay qaaddo seefta kooxda hadda Madaxtooyada gashay, oo si aan qarsoodi lahayn uga soo hor jeedday, habka uu wax ku waday iyo gardarradii uu ku garab siinayay Farmaajo, oo shalay ka huleelay Villa Somalia.

News Keydmedia Online
Waa maxay u jeedka MW Xasan u tagayo Baydhabo?

BAYDHABO, Soomaaliya – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa lagu wadaa inuu safarkiisa 1-aad tan iyo markii loo doortay Madaxweynaha 10-aad uu berri ku tago magaalada Baydhabo ee xarunta ku meel gaarka ah ee maamulka Koofur galbeed oo xiisado siyaasadeed ka aloosan yihiin.

Wafdi hordhac u ah, socdaalka Xasan Sheekh oo uu hoggaaminayo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka, Xuseen Sheekh Maxamuud oo ka mid ah shaqsiyaadka siyaasad ahaan aadka ugu soo hor jeeda Laftagareen, ayaa maanta gaaray Baydhabo, waxaana waftiga qeyb ka ah, Xildhibaano iyo Saraakiil heer federaal

U jeedka ugu weyn ee Xasan Sheekh Maxamuud u tagayo Baydhabo, ayaa ah inuu la kulmo Madaxweynaha maamulkaas Cabdicasiis Laftagareen, oo muddo xileddkiisa uu ka dhiman yahay kaliya Lix bilood, wuxuuna kala hadli doonaa sidii doorashada maamulkaas ugu dhici lahayd waqtigeeda, ugu danbeyn bisha December sanadkaan.

Xasan Sheekh, markii la doortay September-2012kii safarkiisii koowaad wuxuu ka bilaabay 1-dii October-2012 magaalada Baydhabo, mar kale, wuxuu safarradiisa ka billaabi doonaa isla-magaaladas, u jeedka labada safar ayaana la rumeysan yahay in ay si weyn u kala gaddisan yihiin, sababo la xiriira sayaasadda hadda ka jirta KGS.

Abaabulka kulamo siyaasadeed oo culeys lagu saarayo Madaxweynaha Koofur galbeed, ayaa todobaadkii hore ka billowday Caasimadda, saacado kadib markii saaxiibkiis Maxamed Cabdullahi Farmaajo banneeyay Madaxtooyada Soomaaliya, waxaana socda dadaallo ay siyaasiyiin reer Bay iyo Bakool ah ku doonayan in ay kula xisaabtamaan.

Siyaasiyiinta cusleyska saaraya Lafatageen, ayaa u badan shaqsiyaad uu si gaar ah u beegsaday, kana hor istaagay in ay u tartamaan kuraas Baarlamaan heer Federaal iyo xubno, tabasho ka qabay habkii ay u dhacday doorashadiisii dhiiggu ku daatay iyo qaabkii Kooxdii waqtigu ka dhamaaday kursiga ugu xoogtay 2018.

Shaqsiyaadka uu Laftagareen godobta gaarka ah ka galay, waxaa ugu horreeya MW hore ee Maamulka KGS, Shariif Xasan Sheekh Aadan, Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka, Maxamed Sheekh Cismaan [Jawaari], iyo agaasimaha cusub ee Madaxtooyada, Xuseen Sheekh Maxamuud, kuwaas oo hadda hoggaan u ah is-baddel doonka.

Sida ay sheegayaan ilo loo qaateen, MW Xasan, ka hor caleema-saarkiisa, wuxuu sidoo kale tagi doonaa magaalada Dhuusamareeb, halkaasoo uu kula kulmi doono Madaxwyaha Galmudug Axmed Qoorqoor, oo qudhiisu aan caga buuran ku taagneyn, maadaama uu garab siyaasadeed u aha kooxdii laga guuleystay ee Farmaajo hoggaaminayay.

Caleema-saarkiisa kadib, Madaxweyne Xasan, wuxuu shir guud la yeelan doonaa Madaxda dawlad gobaleedyada, waxaana shirkaas oo wali wadan doonaa magaca “Shirka Madasha Wadatashiga”, looga hadli doonaa, howlaha hortabinta u leh, qorshayaasha dowladda cusub, kuwaasoo ay ugu horreeyaan dib u eegista hoggaanka amniga.

KEYDMEIDA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.