Kenya finalising miraa trade deal with Mogadishu
Xasan Sheekh ayaa maanta kormeer ku tagay Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, halkaas oo ay ku sugan yihiin Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka.
MUQDISHO, Soomaaliya – Kadib saacado badan oo waddooyinka Caasimadda xirnaayeen, ugu danbeyn Madxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa gaaray Wasaaradda Gaashaandhigga, si uu ugu kuur-galo hannaanka shaqo ee Wasaaradda iyo Taliska Guud ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Madaxweynaha ayaa kulamo la qaatay, taliyeyaasha iyo saraakiisha hoggaannada Taliska Ciidanka Xoogga Dalka, isagoo ku wargaliyay in ay u diyaar garoobaan howlgallo ka dhan ah Kooxda Al-Shabaab, xilli ay xisid mudan tahay in aan Xasan Sheekh wali la caleemo saarin oo caano-shubkiisa khamiista loo ballansan yahay.
Waa booqashadii koowaad uu Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh ku tagayo xarumaha Dowladda ee ku yaala Magaalada Muqdisho, tan iyo doorashadiisa 15 May 2022, wuxuuna si gaar ah ula kulmay, Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Jeneral Odawaa Yuusuf Raage.
Dhanka kale, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Filish, ayaa shir guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaar-garowga sugida Amniga Caasimadda, gaar ahaam Caleema Saarka Madaxweynaha, kaasoo laga sheegay in shacabku u dul-qaataan jidadka xiran tan iyo inta uu ka dhamaanayo caleema-saarka.
Kulanka waxaa ka qeyb galay Wasiirka Wasaarada Amniga XFS Cabdullaahi Maxamed Nuur, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya, Cabdi Xasan Xijaar, Taliyeyaasha Qeybta Guud ee Booliska iyo Nabadsugida, Dhamaan Saraakiisha Saldhigyada iyo Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir.
Qaban qaabada xafladda Caleema-saarka, ayaa ka socota Caasimadda, waxaana ka qeyb gali doona, madaxda Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, wakiillada beesha caalamka ee Muqdisho ku sugan iyo marti sharaf kale oo ajaanib iyo Soomaali leh, kuwaasoo ay ugu horreeyaan Madaxda dalalka geeska Afrika.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments