MW Xasan oo soo gaabiyay socdaalkiisaa “Tareenka Nabadda”

MW Xasan ayaa muddo labo cisho ah booqasho ku joogay magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee maamulka Koofur Galbeed, ka hor inta uusan u safrin Galmudug khamiisti.

News Keydmedia Online
MW Xasan oo soo gaabiyay socdaalkiisaa “Tareenka Nabadda”

MUQDIAHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa soo gaabiyay socaalkiisa - Tareenka Nabadda - kaasoo maalmihii la soo dhaafay uu ku joogay magaalooyinka Baydhabo iyo Dhuusamareeb ee gobollada Bay iyo Galgaduud.

Madaxwynaha oo shalay gaaray xarunta maamulka Galmudug ee Dhuusamareeb ayaa maanta ka soo laabtay, qorshaha ayaa ahaa inuu caasimadda dib ugu soo laabto 4-ta June ama galinka danbe ee Sabtiga, hayeeshee, arrimo isaga u gaar ah ayuu safarkiisa u soo gaabiyay.

Madaxweynaha maamulka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye iyo masuuliyiin kale ayaa ka soo sagootiyay garoonka Ugaas Nuur ee magaalada Dhuusamareeb, wuxuuna daqiiqado kadib ku soo wajanhan yahay, garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdiaho.

MW Xasan ayaa muddo labo cisho ah booqasho ku joogay magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee maamulka Koofur Galbeed, ka hor inta uusan u safrin Galmudug khamiisti, wuxuuna wadahadllo la qaatay madaxweynayaasha maamulladaas.

Dowladdii hore ayaa Koofur Galbeed iyo Galmudug, si xoog ah kuraasta ugu sarreeya ku saartay Laftagareen iyo Qoorqoor, kuwaas oo garab midig u ahaa Farmaajo, waana sababta Xasan Sheekh ku qasabtay in isaga oo aan la caleema-saarin ugu tago fadhigooda.

Caleemo-saarka Madaxweynaha ayaa qabsoomaya 9-ka bishaan, waxaana ka soo qeyb galaya inta badan Madaxda dalalka geeska Afrika, waana sababta socdaalka loo soo gabagabeeyay hal maalin la hor xilligii hore loo qorsheeyay.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
News 1 July 2022 19:42

The directorate said that even with the resumption of the Somali market, they are still targeting European countries, which in 2014 banned the crop after it was classified as a drug.