Naafada ku nool Galmudug oo Deeq loo qeybiyey

Gaalkacyo (KON) - Mas’uuliyiinta Maamulka Galmudug ayaa Maanta Deeq kala duwan u qeybiyey in kabadan 100 Ruux oo Cuuryaamiin ah, kuwaa oo ku nool Magaalada Gaalkacyo.
Warar Keydmedia Online
Naafada ku nool Galmudug oo Deeq loo qeybiyey

Munaasabad Maanta Deeqda loogu qeybinayey Dadkaan Naafada ayaa ka dhacday Xaruunta Wasaarada Arimaha Gudaha Maamulka Galmudug ee Magaalada Gaalakyo.

Waxaana Munaasabada ka soo qeyb galay Mas’uuliyiin ay kamid yihiin Madaxweyne Kuxigeenka Galmudug iyo Golaha Wasiirada Maamulka Galmudug.

Deeqdaan maanta loo qeybiyey Cuuryaamiinta ku nool Galmudug ayaa is kugu jirta Bur,Bariis,Sonkor iyo Saliid,kuwaa oo uu ugu deeqay Maamulka.

Cabdi Samad Nuur Guuleed Madaxweyne Kuxigeenka Galmudug ayaa ugu baaqay Ganacsatada iyo Hay’adaha Samafalka in ay Gar-gaaraan Dadka Naafada ee ku nool Deegaanada Maamulka Galmudug.

Dhanka kale Dadka Naafada ee maanta Deeqda loo qeybiyey ayaa soo dhaweeyey Gar-gaarka uu Maamulka Galmudug uu u fidiyey.

Keydmedia online - Xafiiska Gaalkacyo