Naafada Xooga: Afduub ayaan ku nahay isbitaal Martiini

MUQDISHO(KEYDMEDIA)Ciidamadii Naafada xooga Dalka ee ku nool magaalada Muqdisho gaar ahaan isbitaalki Martiini ayaa waxa ay sheegeen xiligan in ay afduub ku yihiin isbitaalka Martiini oo iminka kooxo huwan magaca dowlada ay ku dhibaateeyaan ciidamada naafada xooga.
Warar Keydmedia Online
Naafada Xooga: Afduub ayaan ku nahay isbitaal Martiini

Cabdi mahad Cali oo ah afhayeenka naafada xooga ayaa sheegay in isbitaalka la dayac tiray isla markaana ilaa iyo hada aan si dhab ah loo howl galin isagoona hoosta ka xariiqay in ay jiraan hanjabaado joogto ah oo loo geesto ciidamada naafada xooga.

Ciidamada xooga ayaa ah kuwa lixaadkooda ku waayay dagaalkii dhex maray ciidamada itoobiya iyo Soomaaliya 1977-dii waxaana tan iyo xiligii ay ciidamadan ahaayeen kuwa naafa ah isla markaana lixaadkooda uu kala dhantaalanyahay.

WWW.KEYDMEDIA.NET