Nabad sugidda Dowladda Soomaaliya oo Maanta Muqdisho Ku Soo Bandhigay Qaraxyo iyo Dadkii Watay

Muqdisho (KON)- Saraakiisha Ciidamada Nabad sugidda Dowladda Soomaaliya ayaa maanta xarunta hay'adda nabad sugidda Qaranka ee magaalada Muqdisho ku soo bandhigay ragg iyo Bambooyin lagu soo qabtay kuwaasoo ay Ciidamada nabad sugidda ay ku soo qabteen howlgallo ay ka sameeyeen xaafada suuqa xoolaha ee degmada Hilwaa.
Warar Keydmedia Online
Nabad sugidda Dowladda Soomaaliya oo Maanta Muqdisho Ku Soo Bandhigay Qaraxyo iyo Dadkii Watay

Hay'ada nabad sugidda ayaa ilaa 3 nin iyo walxaha qarxa oo ay wateen waxaa ay ugu soo bandhigtay xarunta hay'ada, waxaana sargaal u had;ay hay'ada nabad sugidda uu sheegay in raggaan la soo qabtay xili ay mareegayeen  qaraxyo iyo weeraro ay u geystaan Ciidamada Dowladda.

Magalaada Muqdisho waxaa labadii maalmood ee la soo dhaafay ka socday howlgallo ballaaran oo ay si wada jir ah u fulinayeen Ciidamada Booliska, Nabadsugidda, Militariga iyo kuwa AMISOM waxaana howlgaladaasi lagu xaqiijnayay amaanka caasimada oo maalmihii la soo dhaafay faraha ka baxay.

Keydmedia Online -Xafiiska. Muqdisho