Nabaddoon Xaad ‘Waxaa muuqato in Villa Soomaaliya aan dowladnimo laga rabin ’

Nabaddoonka ayaa sheegay in Taliyaha uu u xiranyahay Madaxtooyada Soomaaliya, islamarkaana la doonayo in hadda loo wareejiyo xabsiga Dhexe ee Muqdisho, halkaasna si shirqool ah loogu khaarijiyo 

Warar Keydmedia Online
Nabaddoon Xaad ‘Waxaa muuqato in Villa Soomaaliya aan dowladnimo laga rabin ’

MUQDISHO, Soomaaliya - Maxamed Xasan Xaad nabaddoonka Beelaha Hawiye ayaa ka hadlay xariga Taliyaha Komaandooska Soomaaliya Cabdimaalik Ismaaciil Maalin oo muddo bil ka badan ku xiran xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya.

Nabaddoonka ayaa sheegay in Taliyaha uu u xiranyahay Madaxtooyada Soomaaliya, islamarkaana la doonayo in hadda loo wareejiyo xabsiga Dhexe ee Muqdisho, halkaasna si shirqool ah loogu khaarijiyo.

"Anagoo ka tiiraanyaysaneynay in xarigiisa dembiga laga dhigay, hadana ashtako qabiil loo diray Madaxweynaha, balse aanu aqbalin, ayaa hadda waxaa na soo gaarayo ninkii iyadoo oo aan Maxkamad la geyn oo aan waxba laga qorin in Xabsiga Dhexe loo dhaadhciyo kadibna loo geeyo shabaabkii uu la dagaalami jiray, halkaasna lagu khaarijiyo." Ayuu yiri nabadoon xaad.

Sidoo kale Nabaddoonka ayaa sheegay in haddii sidaas taliyaha lagu dilo, ay saameeyn doonto guud dalka oo dhan, iyo madaxda haatan talada dalka heyso, waxaa uuna intaas ku daray in la yaqaanno magacyada ragga howshaan wado, bales aan hadda la shaacineyn.

"Haddii sidaas taliyaha wax ku gaaraan waxey saameyn doontaa madaxda haatan talada heyso, dalkaan dhibaatooyin badan baa laga soo maray, annaga dowladnimaa rabnaa, balse waxaa muuqato in Villa Soomaaliya aanu dowladnimo rabin."

Tan iyo markii sida sifada sharci darada aheyd xilka looga qaaday Ra'iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa waxaa bilowday in la u gaarsado dhamaan saraakiishii saaxiibka dhow lahaa Kheyre ama ku heybta ah, iyadoona amarkaas uu ka soo baxayo Madaxweyne Farmaajo.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.