Nabaddoon caan ah oo lagu dilay Degmada Caabud-Waaq & Xiisado halkaasi ka jira

Muqdisho (Keydmedia) - Wararka laga helayo degmada Caabud-Waaq ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in halkaasi maanta lagu dilay Nabaddoon lagu magacaabi jira Qaliif Xerse oo si weyn looga yaqaanay Gobolkaasi.
Warar Keydmedia Online
Nabaddoon caan ah oo lagu dilay Degmada Caabud-Waaq & Xiisado halkaasi ka jira

Nabaddoon ayaa waxa saaka lagu dilay deegaan lagu magacaabo Laandheere oo 26 KM Dhinaca koofur kaga beegan degmada Caabud-waaq,iyadoo dilkiisana  uu sababay in halkaasi ay ka dhashaan Xiisado colaadeed oo soo kala dhexgalay Beelaha degaanka deggan.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in deegaanka Cali-madaxweyne ee Gobalka Galgaduud ay ka taaganyihiin Xiisad colaadeed oo salka ku haysa dilalkii Saaka ka dhacay duleedka Caabudwaaq kadib markii deegaanka lagu dilay mid ka mid ahaa dadka deegaanka.

Lama oga sababta ka dambeysa dilalkan saakay ka dhacay Deegaanka Laandheere ee duleedka Degmada Caabud-waaq ee Gobalka Galgaduud ee bartamaha dalka Soomaaliya oo ay hadda gacanta ku hayaan Maamulka Ahlu Sunna,waxaana wali kacsan Xaaladda deegaano badan oo hoostaga degmada Caabud-waaq.

Keydmedia.net - Xafiiska Muqdisho