Nabadoona lagu xiray tooratoorow

Muqdisho(Keydmedia) Warar hoose oo aynu ka helnay deegaanka Tooratoorow oo ka mid ah deegaanada hoos taga gobalka Sh.hoose ayaa sheegaya in kooxaha Dowlada ka soo horjeeda ee halkaas ka taliya ay xabsiga dhigeen Nabadoono deegaanka ah.
Warar Keydmedia Online
Nabadoona lagu xiray tooratoorow

Nabadoonada la xiray ayaa tiradooda waxa ay gaareysaa ilaa 5 Nabadoon, waxaana inuu suurta gashay in aan helno magacyada laba ka mid ah Nabadoonada la xiray kuwaas oo kala ah  Xuseen Xasan iyo Cusmaan.

Xariga ayaa yimid kadib markii Nabadoonadaasi ay isku dayeen in ay baajiyaan talaabo ay ku doonayeen kooxaha halkaasi ka taliya in ay ku iibsadaan dhul halkaasi ku yaala oo banaan isla markaana dadka ka dhaxeeyay, waxaana la xaqiijiyay kooxaha in ay ka caroodeen afkaarta Saliimka ah ee wadniyadda ku dhisan ee duqowdaasi.

Inta badan kooxaha Dowlada ka soo horjeeda deegaanada ay ka taliyaan waxaa ka dhaca falal lagu dhibaateynayo shacabka kuwaas oo isagu jira dilal qorsheysan xarig iyo handadaad joogta ah.

www.keydmedia.net

 




Warar 19 January 2022 16:49

Wasiir ka tirsan Xukuumadda Xil-gaarsiinta ee masuulka ka ah hirgalinta hannaanka doorashooyinka dadban, ayaa qeylo-dhaan ka muujiyay habka loo maamulay mid ka mid ah kuraasta Aqalka hoose ee taalla Puntland.