Deni: Fahad Yaasin waa in la badalaa hadii ay doorasho dhaceyso
Nabadoon Axmed Barre Nuur oo kulanka Maanta ee Muqdisho ka dhacay ka hadlayay ayaa waxa uu sheegay in Beesha Cabdi Yuusuf ay diyaar u tahay ka qeybgalkan kulankaasi , si ay uga qeyb noqoto maamulka loo sameyn doono deegaanadaasi , isagoo rajeeyay in maamul loo dhan yahay inuu ka soo bixi doono madasha lagu balansan yahay waa hadii ay goob-joog noqdaan , taladana ay wax ku yeeshaan dhammaan qabaa’ilka wada dega gobolada Jubbada hoose , Jubbada dhexe iyo Gedo .
Nabadoon Xuseen Wardheere ayaa isna kulanka ka sheegay in kulanka Kismaayo ka furmi doono uu noqdo mid ay u madax banaan yihiin beelaha dega Jubbooyinka si ay aayahooda uga tashadaan , waxaase uu ka digay in awooda maamulka Siyaasada iyo midda ammaan ay isku koobto hal beel , taasoo uu xusay inay soo de-dejin doonto guul darro ku timaada shirka loo balansan yahay.
Beesha Cabdi Yuusuf ayaa waxa ay ka qeyb noqoneysaa beelaha Sheekhaal , Ogaadeen , Mariixaan , Gaaljecel , Cowrmale, iyo kuwa kale oo farabadan isku diyaaranaya ka qeybgalka maamul u sameynta gobolada Jubbooyinka .
Beesha Cabdi Yuusuf oo ka tirsan qabiilka Xawaadle ayaa waxa ay degtaa degmooyin iyo deegaano ka kala tirsan gobolada Jubada hoose , Jubada dhexe iyo Gedo sida degmooyinka Jilib,Bu’aale, Saakow,Doolow iyo deegaanada Hoombooy, Buulo Xaaji,Aboorow,Habaaqa,Beer-xaano,ool-oole,Koorweyne,Canjeel ,Janaay Cabdalla, Buulo -Xaawo ,Baardheere,Farjanaay.Busleey iyo Garas Shabo.
By Maxamuud Waasuge - Wasuge114@gmail.com
Muqdisho-Soomaaliya
Add comment
Comments