Nabadoonada Galguduud “Shabaab naguma tacadin”

Qaar ka mid ah Nabadoonada ku nool gudaha gobalka Galguduud ayaa waxaba kama jiraan ku tilmaamay hadal shalay ka soo yeeray ahlu-suna waxba kama jiraan.
Warar Keydmedia Online
Nabadoonada Galguduud “Shabaab naguma tacadin”

Shalay ayeey aheyd markii Saraakiil ka tirsan Ahlu-suna ay ku dhawaaqeen in dhaqdhaqaaqa Al-shabaab ay dhibaato iyo xadgudub ku hayaan Nabadoonada iyo duqowda deegaanka kadib markii Xarakada Shabaab ay dhawaan la wareegeen deegaanka Galcad oo ka mid ah deegaanada Ahlu-suna ay sheegtay in lagu dhibaateeyo duqowda.

Nabadoon Max'ed Max'ud oo ka mid ah Nabadoonada deegaankaasi oo la soo xiriiray Warbaahinta ka howl gasha gudaha Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in arimahaasi ay yihiin kuwa waxba kama jiraan ah, isla markaana aanu jirin wax dhibaata ah oo ay Al-shabaab ku hayaan.

Gobalka Galguduud ayaa waxa uu ka mid yahay gobalada legdanka adag ee dhanka Dagaal uu ugu dhaxeeyo dhaqdhaqaaqa Shabaab iyo Ahlu-suna oo ay galguduud tahay halkii ay ka soo bilaabeen howl galkooda.

www.keydmedia.net