Labo kamid ah qodobada ugu waaweyn fashilka Farmaajo
Nabadoon Aadan Dacar oo ka mid ah Nabadoonada ku nool deegaanka Balanbal ee gobalka Galguduud ayaa sheegay in hal qof oo shacab ah uu geeriyooday, todoba kalana ay dhaawacmeen, hal qofna ay ciidamada Nolasha ku qabteen isla markaana ay kaxeesteen laba baabuur oo shacabka ay lahaayeen.
Dagaalka ayaa u dhaxeeyay Dadka deegaanka iyo ciidamo ka amar qaata Dowlada Itoobiya oo la yiraahda Booliska cusub (New police) kuwaas oo ku hadla afka Soomaaliga balse mar walba dhibaateeya shacabka Soomaaliyeed ee ku nool xadka iyo dhulka ismaamulka Soomaalida ee ay itoobiya xooga ku heysato.
Dagaalo kol hore ka dhacay deegaanadaasi ayaa waxa ay sababeen geerida in ka badan 15 ruux oo deegaanka ah iyo dhaawaca tira intaas ka badan.
www.keydmedia.net
Add comment
Comments