Nabadsugida oo Amar Dul dhigtay Warbaahinta Muqdisho

Muqdisho (KON) - Hay'adda Nabadsugida Qaranka Soomaaliya ayaa Maanta iskugu yeertay Maamulayaasha Warbaahinta Muqdisho iyo Qaar kamid ah Wariyaasha ka howlgalla Gobolkar, waxaana ujeedka loogu yeeray ay aheyd in Amaro Nabadsugida Soomaaliya ay soo saartay ay qaataan.
Warar Keydmedia Online
Nabadsugida oo Amar Dul dhigtay Warbaahinta Muqdisho

Taliyaha Hay’adda Nabadsugida Gobolka Banaadir Maxamed Ibraahin Koofi iyo Kuxigeenkiisa Ibraahin Shaaweey ayaa Warbaahinta maanta u yeeray, waxaana ay ku Wargaliyeen in Wararka Al-shabaab aysan Warbaahinta qaadan, sidoo kalena aan Amaanka dalka laga wareysan karin Cid ka baxsan Laamaha Amaanka Dalka.

Sidaa markii ay u hadleen Taliyaasha Hay'adda Nabadsugida Gobolka Banaadir ayaa warbaahinta iyo Maamulayaasha ay Muran kakeeneen Arrinkaasi, waxaana dhacday in Fadhiga Warbaahinta looga kaco islamarkaana lagu Amro in ay Amarkaasi qaataan.

Dhanka kale Xafiiska Keydmedia Online ee Magaalada Muqdisho ayaa la xariiray Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Mustaf Sheikh Cali Dhuxuloow, waxaana wax laga weydiiyay Amarka Warbaahinta Muqdisho Nabadsugida Soomaaliya ay Dul dhigtay, maadaama Warbaahinta ay Wasaaaradiisa hoostagaan.

"Hadalkaas waan maqlay Wasaarada warfaafinta iyo wasiir ahaan midna lama socono, waa wax laga Xumaado, Wasiirka Amniga ayaan kala hadlayaa Arrintaasi" Ayuu ku yiri Wasiirka Warfaafinta Dhuxuloow Keydmedia Online.

Waxaa sidoo kale jirta in Warbaahinta Muqdisho ay Amarkaasi ku sheegeen mid lagu Caburinayo islamarkaana lagu dhibaateenayo.

Keydmedia Online - xafiiska Muqdisho