Deni: Fahad Yaasin waa in la badalaa hadii ay doorasho dhaceyso
Howlgal ay Ciidamada Nabadsugida Qaranka ka Sameeyeen Magaalada Muqdisho ayaa waxaa u suuro galay in ay Dilaan Shaqsi lagu sheegay in uu ka mid ahaa Kooxdii Dishay Sargaal Turki ah oo Muqdisho lagu Dilay.
Sargaal u hadlay Nabadsugida ayaa sheegay in Kiiskaa Mudo ay ku dabajoogeen Ciidamada Nabadsugida islamarkaana hada ay Dileen Horjooge ka tirsan Al-shabaab oo la dagaalamay Ciidamada Dowladda Soomaaliya Xiligii uu socaday Howlgalka.
“waxaan sidoo kale aan qabanay Qori aan la maqlin Dhicitaankiisa oo uu watay Horjoogaha, Gaari Nooho ah,waxaan haynaa Cadeymo kale oo Raga maqan aan ku baadi goobeyno”ayey Tiri Nabadsugida.
Saraakiisha Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa hore u sheegay in ay ku raad joogaan Dilka Sargaal u dhashay Dalka Turkiga oo lagu dilay Magaalada Muqdisho.
Keydmedia online – Xafiiska Muqdisho
Add comment
Comments