“Natiijada aan la oddorosi karin ee ka dhalata isku koolleynta madaxtinimada”

Wasiirkii hore ee wasaaradda Qorsheynta Cabdiraxmaan Caynte ayaa weerarka afka ah ku qaaday Madaxweyne Farmaajo kaddib markii uu dhammaaday muddo xileedkii Madaxweynaha iyadoo aan heshiis laga gaarin sida looga gudbi karo marxaladda adag ee maanta la galay!

Warar Keydmedia Online
“Natiijada aan la oddorosi karin ee ka dhalata isku koolleynta madaxtinimada”

MUQDISHO, Soomaaliya - Iyadoo ay maanta ku egtahay muddo xileedka madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa isa soo taraya dhaliilaha hawada loo marinayo madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Cabdiraxmaan Cayne oo horay usoo noqday Wasiirkii Wasaaradda Qorsheynta iyo xiriirka caalamiga ah ayaa isna dhaliil usoo jeediyay madaxweynaha, qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa Facebook ayaa sidan u qornaa:

"Bismillah,

Maanta, dalkeennu wuxuu galay marxalad uusan waligiis horay usoo arag. Wali ma dhicin in muddo xileedka dastuuriga ah ee madaxweyne la doortay ay dhammaato iyadoo aan heshiis siyaasadeed lagu aheyn hannaanka looga gudbayo marxaladda kala guurka.

Waa cambaar kale oo abid ku summadeysnaan doonta taariikhda dalkeenna. Waxayna dhaawac ku tahay silsiladdii dimoqraadiga aheyd ee dib loo soo yagleelay 20 sano kahor. Masuuliyaddeeda koobaadna waxay ku dhaceysaa madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday, mudane Mohamed Abdullahi Farmaajo

Sidoo kale, natiijada aan la oddorosi karin ee ka dhalata isku koolleynta madaxtinimada dalka waxaa dhabarka u ridan doona mudane Farmaaajo.

Taxanaha nabadeynta iyo dowlad dhiska dalkeennu wuxuu si habsami leh usoo socday 20-kii sano ee lasoo dhaafay, waxaanna ku kalsoonahay in shacabka Soomaaliyeed aysan marnaba ka weecan doonin tubtaas toosan.

Wabillahi Towfiiq."

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.