Natiijooyin hordhac ah oo ka soo baxaya doorashooyinka Soomaaliland

Natiijooyin hordhac ah ayaa ka soo baxaya tirinta cododka doorashooyinkii isku sidkanaa ee Soomaaliland ka dhacay maalin ka hor.

Warar Keydmedia Online
Natiijooyin hordhac ah oo ka soo baxaya doorashooyinka Soomaaliland

HARGEYSA, Soomaaliland - Ilaa hadda cododka hordhaca ah ee la shaaciyay waxaaa hoggaaminaya xisbiga talada haya ee Kulmiye kaas oo la rumeysan yahay inuu yahay midka ugu miisanka culus saddexda xisbi qaran ee ka jira Soomaaliland.

Sagaal xubnood oo Golaha Deegaanka ah lagana soo dooranayay degmada Gar-adag oo ku taalla gobolka Sanaag, ayay sida wararka hor dhaca ah sheegayaan waxaa loo kala helay Afar xubin xisbiga Kulmiye, Saddex xubin xisbiga Waddani  iyo Labo xubin Xisbiga UCID.

Dgemada Saylac oo xildhibaanadeedu dhan yihiin 11 xubnood ayaa loo kala helay iyana, Afar xubin xisbiga Kulmiye, Afar xubin xisbiga Waddani  iyo Saddex xubin Xisbiga UCID.

Degmada Lughaya ayaa iyana loo kala helay, shan xubin xisbiga Kulmiye, Saddex xubin xisbiga Waddani  iyo Labo xubin Xisbiga UCID.

Degmada Xuddun, oo sagaal kursi yaalleen waxaa Todobo cod ka helay xisbi xaakimka Kulmiye, Waddani ayaa isna labo ka helay, halka UCID, uusan wax cod ah ka helin Xuddun.

Warkaan waa hor dhac, mana aysan shaaci Mas'uuliyiinta Komishanka ee heer Degmo, Gobol iyo Qaran, hayeeshee ilo xog ogaal ah ayaa u soo gudbiyay wafbaahinta.

Sida Xeerka Doorashadu dhigaayo Natiijooyinka waxaa loogu dhawaaqayaa heer degmo, gobol iyo qaran kuwaasoo intoodaba ku-dhawaaqistooda uu gaar u leeyahay Komishanku.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.