Nin Hoobiye ka tuuri rabay degmada Dayniile oo la qabtay

Ninkan waxaa ka muuqda jirdil ay ciidanku u geysteen xilligii ay qabanayeen.

Warar Keydmedia Online
Nin Hoobiye ka tuuri rabay degmada Dayniile oo la qabtay

Laamaha ammaanka degmada Dayniile ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen, nin damacsanaa in degmadaasi Hoobiye uu ka tuuro.

Ninkan ayaa magaciisa lagu sheegay Maxamed Xasan, iyadoo saraakiisha ammaanka degmadaasi tilmaameen in uu ka mid yahay ururka Al-shabaab.

Maxamed C/laahi Tuulaha, guddoomiyaha amniga gobolka Banaadir ayaa sheegay in shaqsigan hadda lagu wareejiyey laamaha dambi baarista, lana geyn doono maxkamad.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.