Nin iyo xaaskiisa oo lagu xukumay 15 sano oo xarig ah

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta xukuno ku riday nin iyo haweeney lagu eedeeyay dembi ah inay ka tirsan yihiin Kooxda Daacish.

News Keydmedia Online
Nin iyo xaaskiisa oo lagu xukumay 15 sano oo xarig ah

MUQDISHO, Soomaaliya – Maxakamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa min 15-sano oo Xabsi Ciidan ah ku xukuntay Dayib Macalim Maxamed Xasan iyo xaaskiisa Xaliimo Cabdi Mursal Ibraahim oo lagu helay danbi ah in ay ka tirsanaayeen Kooxda Daacish.

Bishii Maarso sanadkan ayay Ciidamada Amniga soo xireen, sida lagu sheegay war lagu fafiyay Warbaahinta Dowladda, habraac maxakameed kadib, waxaana la sheegay in si gaar ah u qaabilsanaayeen samaynta qaraxyada iyo kaydintooda.

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa baaritaan dheer kadib Maxkamadda Ciidamada QS waydiistay in la maxkamadeeyo eedeysanayaan billowgii June, isla xilligaas ayay Maxkamaddu aqbashay dhegeysiga Dacwadda Dayib Macalim iyo Xaliimo Cabdi.

Ma aha markii ugu horreysay ee nin iyo xaaskiis ka tirsan kooxaha Dowladda dagaalka kula jira, xabsi muddo dheer ah lagu xukumo, waxaa inta badan haweenka lagu helaa in ay qaabilsanaayeen qarinta hubka ay ku hol-galaan kooxaha ay la shaqeeyaan.

Shantii sano ee la soo dhaafay Kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish waxa ay si weyn ugu dhex milnaayeen hay’adaha amniga, waxayna fursad xooggan u heleen in kooxo badan oo isku xirann caasimadda ka dhex sameeyaan, sida ay KON u sheegeen saraakiil ka tirsan NISA.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
News 1 July 2022 19:42

The directorate said that even with the resumption of the Somali market, they are still targeting European countries, which in 2014 banned the crop after it was classified as a drug.