Nin ku eedeysan Iibinta Hilib Dameer oo lagu xiray Buulo-burde

Arrintan ayaa muddooyinkan waxaa aad looga hadalhayey degmadaan.

Warar Keydmedia Online
Nin ku eedeysan Iibinta Hilib Dameer oo lagu xiray Buulo-burde

Ciidamada ammaanka ayaa howlgal ay sameeyeen waxa ay gacanta kusoo dhigeen nin la sheegay in uu bulshada degmada Buulo-burde ka iibin jiray Hilibka Dameerka.

Maamulka degmadaasi iyo taliska Booliiska Buulo-burde ayaa sheegay iney hadda ninkaan su'aalo weydiin ku socoto, islamarkaana la ogan doono waxa jira.

Ninkan ayaa isaga sheegay in hilibka Dameerka uu kalluun ku daban jiray, balse aanu dadka ka iibin jirin.

Dhinaca kale, bulshada degmadaasi ayaa maalnihii lasoo dhaafay waxa ay dhigayeen dibadbaxyo ay ninkaan kaga soo horjeedeen, kuna dalbanayeen in lasoo qabto.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.