Nin ku eedeysan kiis kufsi ah oo lagu qabtay Cadaado

Ninkan ayaa la sheegay inuu kasoo baxsaday halka uu falka ku geystay oo ahayd Gaalkacyo.

Warar Keydmedia Online
Nin ku eedeysan kiis kufsi ah oo lagu qabtay Cadaado

Ciidanka Booliiska degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud ayaa gacanta ku dhigay Axmed Xuseen Cabdi oo la sheegay inuu ku eedeysan yahay kiis kufsi ah, kaasi oo falkaasi ka geystay magaalada Gaalkacyo, qeybta Puntland.

Cali Maxamed Xasan oo ah taliyaha ciidanka Booliiska Cadaado ayaa sheegay in eedeysanaha ay dib ugu celin doonaan magaalada Gaalkacyo, si halkaasi kiiskiisa looga furo, wuxuuna tilmaamay iney soo qabteen isaga oo baxsad ahaa.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 1 December 2020 7:57

Tan iyo 2012 markii Malleeshiyaadkii Raas Kambooni ee uu watay Axmed Madoobe, oo kaashanayay Ciidamada Kenya ay la wareegeen magaaladda, waxaa la dilay dad badan oo qaab qabiil lagu khaarijiyay.