Labo kamid ah qodobada ugu waaweyn fashilka Farmaajo
Nin lagu soo eedeeyay inuu geystay fal kufsi iyo dil ayaa lagu soo qabtay deegaan katirsan dhulka Dowlad Goboleedka Galmudug
CAABUDWAAQ, Soomaaliya - Magaalada Caabudwaaq ee waqooyiga Galgaduud ayaa waxaa lagu qabtay nin dhallinyaro ah oo lagu soo eedeeyay in uu kufsaday, kaddibna dil ugu daray hooyo uur leh magaalada Cabudwaaq.
Taliyaha saldhigga Booliiska degmada Caabudwaaq Farxaan Xuseen Xasan ayaa warbaahinta ayaa sheegay in ay ruuxa ay gacanta kusoo dhigeen ay ku tuhunsan yihiin in ka dambeeyay dilka Ubax Maxamed Yaxye. Eedeysanaha ayaa lagu eedeeyay in Ubax oo ahayd hooyo uur leh uu kufsaday kaddibna si aan loo garan ku dilay duleedka magaalada Caabudwaaq.
Falkan argagax leh ayaa dhacay xalay, waxaana ciidamada ammaanka oo lagu war geliyay meydka Ubax oo lasoo dhigay meel magaalada duleedka ah, iyadoo baaritaan dheer kaddib lasoo helay Eedeysanihii ugu horreeyay ee falkan loo soo xiray, magaciisa waxaa lagu sheegay Jaamac Maxamed Yuusuf, waa nin dhallinyaro ah, inkastoo uusan qiran falkan, haddana waxay sheegeen ciidamada Booliska degmada Caabudwaaq inuu socdo baaritaan la xiriira falkan.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments