Jarmalka: Nin Soomaali ah oo dilay 3 ruux 5 kalena dhaawacay

Wiil dhallinyaro Soomaali ah oo ku sugan waddanka Jarmalka ayaa toorey ku weeraray dad shacab ahaa, waxa uuna dilay 3 ruux oo kamida dadkaasi, halka tiro kalena uu dhaawacay.

Warar Keydmedia Online
Jarmalka: Nin Soomaali ah oo dilay 3 ruux 5 kalena dhaawacay

WUEZBURG, Germany - Nin ku hubeysnaa Tooreey ayaa dilay 3 qof oo shacab ah, 5 kalena wuxuu soo gaarsiiyay dhaawac, kaddib markii uu weeraray xalay dad dukaameysanayay magaalladda Würzburg ee Koonfurta dalka Jarmalka.

Wiilkan dhallinyarada ah ayaa geystay falka weerarka iyadoo aan si rasmi ah loo ogeyn sababta ka dambeysa, muuqaalo la duubay ayaa la arkayay wiilka oo gacanta ku sita mindi, kuna baacsanaya dad shacab ah oo iska caabin ku sameeyay kaddib markii uu dilay saddex ruux, shan kalena uu dhaawac soo gaarsiiyay.

Boliska waddanka Jarmalka ayaa waxay sheegeen in eedeysanaha oo u dhashay waddanka Soomaaliya ay gacanta ku dhigeen, kadib markii ay bowdada ka dhaawaceen.

Afhayeenka Booliska ee Magaalada Würzburg ayaa saxaafadda u sheegay in Wiilkaan oo ah Soomaali uu soo galay dalka Jarmalka sanadkii 2015, waa 24 sano jir, qaxootinimo isku dhiibay kaddib markii uu kasoo tahriibay waddankiisa Soomaaliya.

Afhayeen u hadlay Booliska oo lagu magacaabo Kerstin Kunick ayaa waxay sheegtay inuu weerarkaasi ka dhacay Fagaaraha loo yaqaano Basbarossa ee Bartamaha magaalladda Würzburg oo u dhexeysa magaallooyinka Frankfurt iyo Munich, halkaasina waa magaalo ay ku sugan yihiin qaxooti farabadan oo Soomaali ah.

Wiilkan oo aan magaciisa la shaacin, waxaa la tilmaamay in uu ahaa qof xanuunsan oo madaxa looga jiro, waxa uu ku jiray Isbitaal lagu dabiibo dadka dhimirka la'. 

Inta badan falalka nuucan oo kale ah way ka dhacaan waddamada ay ku badan yihiin Soomaalida, dhowr kiis oo sidan oo kale ah ayaa ka dhacay waddamo ku yaal Yurub, Ameerika iyo Austaraaliya.

Sanadkii 2020 Kufsiga iyo dhaca ay geesanayaan Qaxootiga Soomaali ee dalka Jarmalka ayaa soo batay, waxaana waxaa inta badan geysta falalkan oo kale dadka isticmaala mukhaadaraadka oo marka ay iska badiyaan xaalad kale gala, iyo sidoo kale dadka ka xanuunsan dhimirka.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 24 July 2021 15:48

Duqeymaha waxay u diidayaan Al-Shabaab inay hesho fursad ay isku abaabusho, oo ay ku qorsheyso weeraro, kuna tababarto dagaalyahanno cusub, dhanka kale, Mareykanka ayaa duqeymihii uu Soomaaliya ka geystay sanadihii lasoo dhaafay ku laayay shacab badan oo rayid ah.